Xuquuqda iyo Waajibaadka Waalidka

Marka Ubad kuu dhasho, waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ula socodsiisaa Xafiiska Arimaha Bulshada (Zivilstandsamt). Haddii aad tahiin dad is qaba, xaqa barbaarinta Ubadkiina si toos ah ayaad uwada gudanaysaan. Haddii aadan is qabin, waad isu daysan kartaan qofkii Masuuliyadaas qaadi lahaa.

Diiwaangelinta ilmaha dhashay

Marwaliba oo ay Caruur kuu dhalato waa in aad lasocodsiisaa Xafiiska qaabilsan Arrimaha Bulshada (Zivilstandsamt). FIIRO GAAR AH: Waa inaad aado Xafiiska Zivilstandsamtiga ku yaalo xaafadda uu ku dhashay Ubadkaada. Waxaana lagayaaba inaad kuqasbanaanin inaad aado Xafiiska guud ee laga xukumo degmada.

Ubadkaada Haddii uu ku dhashay isbitaal:
Isbitaalka ayaa warqada dhalashada usii diraayo Xafiiska Arimaha Bulshada (Zivilstandsamt). Sidaas ayuu kaaga dhacay waajibkii ahaa lasocodsiinta Ubadka kuu dhashay.

Ubadkada haddii uu Isbitaal ku dhalanin:
Waxaa laga yaabaa meel aan hoyga caafimaadka ahayn, sida gurigaada ama meel kale inuu ku dhashay ilmahaaga. Xaalada marka noocan oo kale ay tahay, waajibka ah; Wargelinta Xafiiska Zivilstandamtiga ee ubadka dhashay adiga ayuu ku saaranyahay. Waxaad haysataa muddo 3 Maalin ah oo aad kula socodsiiso Xafiiska. Xafiiska Arrimaha Bulshada ayaa ku sheegi doono, waxii warqado ah ee lagaaga baahanyahay.

Fiiro Gaar ah:
Ubadka ku dhashay Swiiseerlaan, si toos ah uma noqonayaan Swiis. Isla markaasna ma heli doonaan dhalashada ama basaboorka wadanka.

Aqoonsi Aabaha

Adinkoo Xaas ah hadduu Ubad idiin dhasho:
Odayga reerka sitoos ah ayaa loo diiwaan galinayaa inuu yahay Aabaha ilmaha dhashay. Waxaa macquul in Odayga reerka aaminsanyahay inuusan ahayn Aabaha Ubadkaas. Maxkamadda ayuu horteeda kaga doodi karaa inuusan Aabo u ahayn Ilmahaas.

Adinkoo is qabin Hadduu Ubad idiin dhasho:
Aabaha Ubadkaas si toos ah looma diiwaan gelin doono inuu yahay ilmaha Aabahood. Inta Ubadku ifka imaan kahor ama kadib ayuu Aabaha tagi karaa Xafiiska Arrimaha Bulshada (Zivilstandsamt) si aqoonsi ugu raadsado inuu yahay Aabaha ilmahan dhashay ama dhalan doono. Waxaa laga yaabaa Aabaha inuusan rabin inuu qirto inuu aabaha ilmahaasi yahay. Hadii ay dhacdo sidaasi Hooyada Ubadkaas ayaa maxkamada tagi karto si ay uga dalbato inuu Qirto isaga inuu dhalay ilmahaas.

Daryeelka Ubadka

Ka waalid ahaan waa inaad xoogga saartaan Badqabka Carruurtiina. Taasi waa Xaqa iyo Xuquuqda ilmahu leeyihiin (elterliche Sorge). Tusaale ahaan, waa inaad barbaarisaan ubadkiina noloshoodana aad kafaalo qaadaan. Sidoo kale waa in sharci ahaan inta ay ka gaarayaan 18 sano jir adinka mas'uuliyadooda haysaan.

Hadii aad tihiin lammaane is qaba:
Labadiinaba ayaa si iskumid ah u qaadaya Gudashada Xaqa iyo Xuquuda Ubadkiina.

Hadii aadan is qabin:
Ugu horayn aabuhu waa inuu aqoonsiga Aabe ahaanshaha raadsado. Kadib ayaad labadiinaba si xor ah qoraal ku cadayn kartaan inaad si wada jir ah ugudanaysaan waajibka daryeelka Caruurtiina (gemeinsame elterliche Sorge). Tani waxaad samayn kartaan marka Xafiiska (Zivilstandsamt) aabaha u aqoonsado inuu yahay qofka dhalay ilmaha. Sidoo kale waxaad aadi kartaan Hay'adda Daryeelka Ubadda ee Gobolka (Kindesschutzbehörde, ee loosoo gaabiyo KESB).

Hadii aad isku waafaqi waysaan ciddii daryeeli lahayd ubadka, waxaa go'aan ka gaari doono Hay'adda daryeesha Dhallaanka. Hadii aad qabto waydiimo ama aad u baahantahay caawin, waxaad aadi kartaa Xarumaha talobixinta Qoyska.

Lacagaha Daryeelka Ubadka

Haddii aad kala tagtaan adiga iyo lammaanahaaga, daryeelidda ubadkiina waa inaad sii wadaan. Waa inaad hadaba isla eegtaan cidii la wareegi lahayd nafaqaynta caruurtaas iyo qofba inta qarash ah ee kusoo aadayso inuu siiyo caruurtiisa (Unterhalt).

Labadiinaba waad bixinaysaan lacagaha daryeelka caruurtiina. Waxaa macquul ah in hooyada iyo aabaha lacag isku mid ah bixinin. Sidoo kale waxaa macquul ah midka mid ah waalidka inuusanba waxba bixinin. Tani waxay ku xirantahay lacagta kusoo gasho ama aad ku shaqayso inta ay dhantahay amaba inta waqti aad ku bixiso daryeelka ubadkaada. Midaan haddii aad ku heshiin waysaan waxaad isla aadi kartaan Maxkamad.

Aabaha ama hooyada haddii uu mid lacagihii bixin waayo:
Midkiin hadii uu lacagtii bixin kari waayo, waxaad caawimaad ka dalban kartaan Xafiiska laga xukumo xaafadiina (Wohngemeinde). Xafiiskaan waxuu idinka caawin doonaa inaad lacagahii aad heshaan. Waxaa macquul ah in la idin siiyo lacagaha daryeelka bulshada loogu talagalay ee la siiyo haddii hal waalid uu lacagihii kusoo aaday bixin kari waayo. Waxaa loo yaqaanaa kharashaadkan (Alimentenbevorschussung)