Ku noolaanshaha Lacag yar

Nolosha wadanka Swiserlaan waa mid qaali ah. Sidaas darteed waxaa wanaagsan in alaabaha qaar iyagoo celis ah la iibsado. Qofkii xaalad dhaqaale ku jiro waxuu kaga iibsan karaa dukaamada qaar qiimo raqiis ah.

Alaabaha Celiska ah

Wadanka Swiserlaan waxaa jiro goobo badan oo lagu iibiyo waxyaabo lasoo isticmaalay (Brockenhäuser). Halkaa waxaad qiimo jaban ku heli kartaa alaabaha celiska ah. Suuqyada qaar ayaa ka iibiyo dadka shacabka ah alaabaha horey looso isticmaalay. Tusaale ahaan Suuqyada (Flohmärkte), suuqa huudheyda, suuqa alaabaha ciyaaraha barafka ee celiska iwm. Sidoo kale barta internetka waxaa aad loo jecelyahay iibgeynta iyo iibsashada alaabaha celiska.

Ciyaaraha / Dhaqanka / Tacliinta

Kaarka-KulturLegi waxay qiimo jaban ku iibsan saraan dadka aan dhaqaale ku filan haysan munaasabahada kala duwan ee Waqtiyada fasaxa, Ciyaaraha, dhaqanka iyo tacliinta. Kaarkan waxaa laga dalban karaa Kaaritaaska. Kaaritaas ayaa hubinaya go'aana ka gaaraya qofkii lasiinayo kaarka. Kaarka Familienpass, Kaarka FamilienpassPlus ama kaarka colourkey sidoo kale waxyaabo badan ayaad ugu adeegan kartaa qiimo jaban.

Dukaanka Kaaritaaska

Dadka aan haysan dhaqaale ku filan waxay ka iibsan karaan cuntada iyo adeegyada maalinlaha ah, Dukaamada Kaaritaaska (Caritas Markt) iyagoo iska bixinaya kharashaad aan badnayn. Waxaa jiro kaar lagu iibsado oo in laga dalbado ay tahay Kaaritaas. Dalabka kaarka waxaa soo xaqiijinayo inaad xaq uleedahay Kaaritaaska. Basel waxaa kuyaalo dukaan kaaritaaska leeyihiin.

Kaalmada dowladda

Qofka aanan haysan dhaqaale ku filan waxuu xaalado badan xaq u yeelanayaa kaalmo dowli ah. Tusaale ahaan waxaad dalban kartaa raqiisinta Qarashaadka Ceymiska Caafimaadka ama Taagerada waxbarashada. Xaaladaha qaar waxaa la isasiiyaa lacagaha Ceymiska Bulshada ama kuwa Ceyrta. Qoysaska aanan haysan dhaqaale badan oo ku filan waxay dalban karaan Lacagaha Kaalmada kirada guryahooda (Familienmietzinsbeiträge).