Canshuuraha

Canshuuraha laga uruuriyo Swiserlaan waxay ku xirantahay hadba meesha aad ku nooshahay. Canshuuraha ugu muhiimsan ee laga qaado shaqsiyaadka gaarka ah waa dakhliga, hantida iyo Canshuurtaha qiimaha dheeraadka ah.

Nidaamka Canshuurta

Wadanka Swiserlaan, Dowlada federaalka ah, dowlada hoose, degmooyinka iyo Bulsho diimeedyada waxay qaadaan canshuuro. Waxaa loo kala qaadaa canshuur toosan iyo mid aan toos ahayn. Canshuuraha tooska ah waxaa ugu muhiimsan canshuuraha Dakhliga iyo hantida waana in dadka canshuuraha ku waajibeen ay si toos ah u bixiyaan. Canshuuraha aan tooska ahayn waxaa soo galayo Canshuurta qiimaha dheeraadka ah, Canshuurta tubaakada ama shidaalka. Canshuurahan waxay ku xiranyihiin qiimaha ay alaabta. Maadama canshuuro badan ay mas'uul ka yihiin dowladaha hoose iyo degmooyinka, ayaa qiimaha canshuuraha tooska ah ee deegaanada farqi weyn ugu dhexeeyaa. Dadka isqaba si wada jir ah ayaa loo canshuuraa.

Canshuurta Dakhliga

Ajaanibta soo dagtay wadanka waxaa si toos ah looga jaraa mushaharkooda canshuurta dakhliga soo gala (Quellensteuer). Buuxinta canshuurtan waxaa u sameeya shaqaalaha maamulkooda goobta shaqada.

  • Qiimaha canshuurta waxay ku xirantahay Dakhliga, Xalada Qoyska (Iskaabulo, xaasle, garoob), inta caruur u joogto. Waxii isbadal ah ee soo kordha waa in si dhaqsa ah loo soo sheegaa.
  • Canshuurta Dakhliga waxaa sidoo kale macquul ah in wax yaabo dheeraad ah laga gooyo, tusaale ahaan keydka Tiirka 3-aad, Ribooyinka deynta, qarashaad badan oo ku baxa xanuunada iwm..
  • Qofkii haysto hanti, waa inuu soo sheegaa si gooni ahna uga bixiyaa canshuurta.
  • Dakhli sanadeed kabadan 120'000 oo Faran waa in la buuxiyaa canshuuraha caadiga ah (ordentliche Besteuerung).
  • Qofkii qabo lammaane haysto dhalashada Swiserlaan ama Dalku Jooga C, waa inuu sidoo kale buuxiyaa canshuuraha caadiga ah (ordentliche Besteuerung).

Maamulka Canshuuraha Gobolka (Kantonale Steuerverwaltung) waxuu idin la wadagaayaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Canshuuraha Dakhliga. Maamulka Canshuuraha Gobolka waxuu kaa caawinayaa su'aalaha kusaabsan Canshuuraha Hantida.

Canshuurta Caadiga ah

Dadka haysta dhalashada Swiserlaan ama Dalku Jooga C waxaa laga qaadaa canshuurta caadiga ah (ordentliche Besteuerung). Taas micnaheeda waa in canshuurtooda laga gooynin Mushaharkooda. Waa inay sameeyaan canshuur buuxis kadibna u bixiyaan sida biilasha. Canshuurta caadiga sidoo kale waxaa laga buuxin karaa qadka onlineka. Waxaa lagu taliyaa in lacagaha canshuurta lasii hormariyo (Vorauszahlung). Qiimaha lacagta canshuurta aad bixin doonto waxaa lagu xisaabsan karaa xisaabiyaha canshuurta (Steuerrechner). Buuxinta canshuurta sidoo kale dadka u dhashay wadanka ee Swiiska ah ayay ku adagtahay. Waxaa fiican in aad raadsato qof kaa caawiyo buuxinta haddii ay tahay markii kugu horeysay aad buuxinayso.