Geerida

Marka qof kamid ah reerkiina uu geeriyoodo waa inaad lasocodsiisaan dowlada. Hadii aad u baahantihiin waxay idiin wacayaan dowladu adeega Xabaasha. Howladeenada xabaasha waxay u geynayaan qabriga ama meel ka baxsan wadanka (dibada).

Diiwaanka Geerida

Marka qof reerkina kamid ahi geeriyodo, waa in dhaqtarka uu soo buuxiyo warqada cadeeynta geerida. Kadib waa inaad Xafiiska arimaha Bulshada ee Gobolka Basel-Stadt ka diiwaangelisaa.

Qofka waxuu ku geeriyooday Isbitaal, Goobaha lagu daryeelo waayeelka ama Guryaha daryeelka:

  • Maamulka Isbitaalka ama goobahaas ayaa ah inay wargeliyaan Xafiiska arimaha Bulshada.

Qofka waxuu ku geeriyooday goob kale:

  • Adiga ka ehel ahaan ayaa lagaa rabaa inaad lasocdsiiso geerida Xafiiska arimaha Bulshada ee Gobolka Basel-Stadt.

Qof walba oo ku nool Gobolka Basel-Stadt, waxuu bilaash ku helayaa in lagu aaso markuu dhinto dhulka ama lagubo meydkiisa.

Dhoofinta maydka

Waxaa macquul ah in qof kamid ah qoyskiina uu ku geeriyoodo Gobolka Basel-Stadt. Laakin waxaad doonaysaan in qofkaas lagu aaso dibadda. Hadaba waa in Shirkad xabaasho maydka oo la aqoonsanyahay ay soo saaraan warqad nidaamsan. Warqadan waxaa la yiraahdaa "Nidaamka naxashyada iyo sanduuqa daabulidda". Waa inaad tustaa warqadaan xafiiska xabaasha ee Gobolka Basel-Stadt. Kadib xafiiska waxuu ku siinayaa basboorka maydka. Warqadaas kaliya ayay shirkada dhoofiso meydka ugu qaadi kartaa qofka dhintay dibadda. Qarashaadka ku baxo ehelka marxuumka ayaa iska bixinayan.