Fursadaha isdhexgalka Bulshada

Iskuullada, Goobaha xirfadaha lagu barto iyo goobaha shaqada ayaa inta badan laga helaa isdhexgalka ugu fiican. Laakin waxa macquul ah inaadan wali shaqo helin ama waxbarasho aadan ku jirin. Iskuulka luqadda xitaa aadan wali bilaawin. Hadaba waxaad ka faaidaysan kartaa fursadahaan kala duwan ee ku sahlaya inaad dalka la qabsato.

Fursado qaas ah

Waxaa jiro waxyaabo badan oo gaar ah oo ay ka Faa'iidaysan karaan dadka ku cusub Basel. Tusaale ahaan, Dood wadaagyo, Waxyaabo ay qaban karaan waqtiyada fasaxa, Muxaadarooyin ama Casharro. Fursadahaan waxay kaa caawinayaan inaad isdhexgalka Bulshada iyo inaad dad is barataan. Xarunta Talobixinta ee waaxda Socdaalka "GGG Migration" waxay idin siin doonaan warbixinno ku saabsan fursadaha la heli karo.

Gobollka iyo Xaafadaha waxay sameeyaan munaasabado ay kusoo dhaweynayaan dadka ku cusub deegaanka. Halkan waxaad ka helaysaa warbixinno muhiim ah oo fikrado ka qaadan karto.

Kooxaha

Shacab badan oo reer Swiiserlaan ah ayaa xubno ka ah Kooxo (Verein). Waxaa jiro Kooxo lagu biiri karo oo wax yaabo kala duwan qabta, sida Kooxaha ciyaaraha ama kuwa dhaqanka. Haddii aad ku biirto koox, waxaad isku baran kartaan dadkale. Kooxaha inta badan waa kuwa u furan dadka oo dhan laguna biiri karo.

Ururrada arrimaha ajaanibta

Waxaa jiro kooxo ay samaysteen soogalootiga. Xubnaha ku jiro jaaliyadahan waxay iskula hadlaan inta badan hal luqad, maadama ay isku waddan ka yimaadeen ama ay yihiin isku diin. Kooxahaan waxay siiyaan inta badan fursado dadka ku cusub wadanka Swiiserlaan ee soo dego Gobolka Basel-Stadt. Waxay kaa caawin karaan isdhexgalka Bulshada.

Fursadaha Dhalinyarada

Dhalinyarada waxay ay waqtiyadooda firaaqada heli karaan fursado badan oo ay kaga faaideysan karaan inay qabtaan ama bartaan waxyaabo ay jecelyihiin. Waxay ka qayb gali karaan mashruuc misna ku biirin karaan fikradahooda. Khabiiro ayaa garab taagan oo ka warqabo dhalinyarada (Jugendarbeit). Sida caadiga ah fursadahaan waa kuwo bilaash ah.

Bar kulanka dadka xaafadda degan

Goobaha dadka xaafadaha deggan isugu yimaadaan (Quartiertreffpunkte) waxay u furanyihiin dadka oo dhan. Waxay hayaan Adeegyo loogu talagalay Qoysaska, dadka da'da ah iyo dadka luqadda jarmalka aan sidaas usii garanaynin. Meelaha qaar ee lagu kulmo waxaa kamid ah xarumaha Qoyska. Halkaas waa meel ay isugu yimaadaan oo u furan waalidiinta iyo caruurtooda. Goobaha dadka xaafadda isugu yimaadaan waxaad kaheli kartaa talooyin iyo taageero ku saabsan nolol maalmeedka. Goobaha ay dadka xaafadaha ku kulmaan waxaa ka kireysan kartaa Qolal aad ku qabsan karto xafladaha qoyska xafladaha kale.