Lammaanaha

Qaabab kale duwan oo ay iskula noolaan karaan dadka ayaa Jiro Swiiserlaan. Hadii aad doonaysid inaad guursato waa inaad ka wayn tahay 18 sano jir. Lamaanaha isqabo waxay leeyihiin xaquuqo isku mid ah.

Wada noolaanshaha

Wadanka Swiiserlaan Qarniyadii ugu dambeeyay is badalo badan ayaa ka dhacay. Badanaa waxaa isla dagan Lammaanyaal aanan is qabin oo loo yaqaan (Saaxiibtinimo, Konkubinat). Lammaanayaashan waxaa u joogo Ubad. Dhexdooda kama jirto mas'uuliyad qaybsi. Taas micnaheedu waxay tahay, Ragga iyo Dumarka xiriirkan leh inaysan qasab ahayn midba howl gooni ah inuu qabto.

Sidoo kale Lammaanayaasha isku Jinsiga ah way wada noolaan karaan, Tusaale ahaan, Labo nin ama Labo naag. Waxay leeyihiin xuquuqo lamid ah lammaanayaasha kale aan isku jinsiga ahayn, wayna is guursan karaan.

Guurka

Wadanka Swiiserlaan waxaad guursan kartaa marka aad gaarto da'da 18 Jirka. Sidoo kale dadka isku Jinsiga ah way is guursan karaan: Nin iyo Nin way is guursan karaan, sidoo kale Naag iyo naag way is guursan karaan. Hadii aad aad rabto inaad guursado, waa inaad iska diiwaangelisaa Xafiiska arimaha guurka (Zivilstandsamt) ee Basel-Stadt. Kaddib Xafiiska waxuu furayaa galka diyaarinta guurka "Ehevorbereitungsverfahren". Galkaan waxaa lagu diyaarinayaa Guurka. Xafiiska waxuu hubinayaa tusaale ahaan in labada qof is guursan karaan iyo inkale. Marka uu soo dhamaado galka kadib, waa inaad 3 bilood gudahood isku aqal gashaan. Xafiiska waxuu kula wadaagi doonaa warqadaha lagaa doonayo iyo qaabka ay tahay inuu u dhaco arooska.

Midka mid ah hadii uu meel dibadda ka ah Swiiserlaan ku noolyahay, midka halkan joogo ayaa dirsan karo codsiga Diyaar garowga Guurka kaasoo ah in Lammaanaha ka maqan loo ogolaado inuu yimaado Swiseerlan Kadibna guurku ka dhaco Halkan.

Waxaa laga yaabaa in Xafiiska Arrimaha Guurka uu galo shaki ah in guurkiina uu yahay gaabsi (Scheinehe). Guurka Gaabsiga ah micnahiisa waa: Waxaad u guursanaysaa qofkaas dibadda ku nool kaliya siduu Swiiserlaan cagaha usoo dhigi lahaa ee ugu noolaan lahaa. Sidaas hadii ay dhacdo Xafiiska Arrimaha guurka waxuu kugu soo celin karaa codsigaaga. Hadii guurkiina horay u dhacay lagana shakiyo, guurkaas waxba kama jiraan ayaa laga soo qaadi karaa. Guurkiina Sidaas ayuu ku baabi'i karaa waliba waxaa laga yaabaa inaad sidaas ku wayso sharcigaagii Dalka aad ku joogtay.

Xuquuqda iyo Waajibaadka

Lammaanaha is qabo waxay leeyihiin xuquuqo iyo waajibaadyo isku mid ah, sidaas ayaana ku qoran Qaanuunka. Labada is qabto waa dad siman. Si xorriyad ah oo aan qasab ahayn waa in ay isku guursadaan. Guurka qasabka ah (Zwangsheirat) waa midka qof lagu qasbo inuu guursado qofkale. Hadii Dowladdu ay arrinkaasi ogaato, guurkaasi waxaa laga soo qaadi doonaa waxba kama jiraan. Dadkii isku qasbay labadaas qofna waxay muteeysan doonaan ganaax.

Guur in lagugu qasbi rabo miyaa dareemaysaa? Xafiiska Talobixinta zwangsheirat.ch ayaad ka helaysaa caawinaad. Wicitaanka Taleefonka waa bilaash. Lambarka Taleefankana waa: 0800 800 007

Qorshaynta Qoyska

Ma qabtaa su'aalo ku saabsan, Qorshaynta Qoyska, Uurka iyo Galmada? Gobolka Basel-Stadt waxaa ka dhisan xarumo Talooyin kaasiinayo arrimahaas. Mowduucyo badan oo kala duwan ayay kaala talin doonaan, Tusaale ahaan sida uurka looga hortago, dhibaatooyinka Galmada, Xanuunada Caafimaad ee Galmada, Xanuunada xubnaha Taranka ama Hadii adigoo ku talagalin aad uur qaado. Way kula talinayaan sidoo kale hadii aad uur leedahay ama Ubad kuu joogaan.

Furiinka

Madoonaysaa Furiin? Waxaad codsi u dirsan kartaa maxkamadda Basel-Stadt ee (Zivilgericht). Kaligaa ayaa codsiga furitaanka gudbisan karo ama si wadajir ah adiga iyo lammaanahaaga.

Meel kabaxsan Swiiserlaan miyaad isku guursateen? Dibadda adinkoo isku guursaday xataa waxaad isku furi kartaan xeerarka Swiiserlaan u dagsan. Laakin waa inaad ugu yaraan hal sano deganeydeen Swiiserlaan. Waana in Swiserlaan tahay meesha kaliya ee deegaan aad ku tihiin. Kala taggiina kadib is badal ayaa ku imaan karo sharciyada dalka aad ku joogtaan. Laga yaabee in Swiiserlaan aad kusii noolaato laguu ogolaanin. Codsiga qaadashada Dhalashada Swiiserlaan miyaa kuu xareysan? Waxaa dhici karayso sidoo kale furitaanka kadib in lagugu soo celiyo codsigaaga oo laguu diido qaadashada Dhalashada.

Furitaanka kadib, Malaguu ogolyahay inaad sii Joogto Swiiserlaan? Waxaa habboon oo ugu fiican jawaabtaas inaad waydiiso Xarumaha latalinta lammaanaha iyo Qoysaska ama Xafiisyada Garyaqaannada. Haddii aad tahay qof la dhibban rabshadaha Qoyska, waxaa jiro xeerar u gaar ah.