Caawimaada loogu talagalay dadka rabshada geysta

Qof kasta oo qof kale jir ahaan ama dareen ahaan dhibaato u geysta waa inuu qaado masuuliyeeda uuna helo caawimaad. Siduu ku bedeli lahaa habdhaqankiisa waxaa lagu oggaan karaa kalfadhiyada la-talinta.

Halkee ka heli karaa caawimaad?

Barnaamijka Waxbarashada ee ka dhanka ah Rabshada Qoyska waxaa lagu bartaa qaabka loo xalliyo dhibaatooyinka ayadoon la sameyn rabshad. Barnaamijka waxaa loogu talagalay dadka waawayn. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan. Waxaad iska diiwangelin kartaa lambarka 061 267 44 90 ama haeusliche-gewalt@jsd.bs.ch. Ka Qaybgalku waa lacag la'aan.

Meelaha kale aad kaheli karto caawimaada waxaa kamid ah:

  • Talooyinka Khilaafaadka Rabshadaha Qoyska, 061 267 00 26, www.bdm.bs.ch (DE)
  • Xafiiska Ragga ee Nawaaxiga Basel, 061 691 02 02, www.mbrb.ch (DE)
    Qiimaha talooyinkan waxay ku xirantahay hadba dhaqaalaha soo galo dadka talo raadiska ah.

Qof walba oo u baahan qof uu isla markiiba la hadlo wuxuu la xariiri karaa Qof Caawiya (Dargebotene Hand) asagoo kula xariiraya taleefoon, fariin qoraal ah, wada sheekeysi ama I-Meeyl. Mar walba waxaa jira qof diyaar ah. Xataa habbeenkii. Waxaa lala xiriiri karaa ayadoo magac la sheegin (qarinaaya magacooda).