Nidaamka Caafimaadka

Nidaamka Caafimaadka ee Swiiserlaan waa mid si aad u fiican loo dhisay. Dhammaan bulshada ku nool waddanka waxaa si siman loogu waajib yeelay inay ku jiraan Ceymiska Shilalka iyo Xanuunada. In badan oo kamid ah Goobaha Dhaqaatiirta, Farmishiyaasha iyo Isbitaalada ayaa daboolo baahiyaha caafimaad.

Nidaamka Ceymiska

Dhammaan bulshada ku nool waddanka waxaa waajib ku ah inay galaan Ceymiska Shilalka iyo Xanuunada. Qofkii ku cusub wadanka waa inuu galaa Ceymisyada saddexda bilood ee ugu horeeyso marka uu soo galo wadankan. Dhallaanka waa in saddex bilood kadib dhalashadooda loo sameeyaa Ceymiskan. Adeegyada uu bixiyo Ceymiska qasabka ah waxaa u dagsan sharciyo. Dhammaan dadka ku jiro Ceymiska waxay xaq u leeyihiin in si iskumid ah loo daaweeyo.

Maalgelinta

Nidaamka Caafimaad ee Swiserlaan waxaa si wadajir ah u maalgeliyo dowladda (Bund, Kantone, Gemeinden), Milkiilayaasha goobaha shaqada iyo dadka caadiga ah. Dadka caadiga ah waxay bixinayaan bil walba qarashaadka Ceymiska Xanuunada iyo Shilalka. Qiimaha waxaa la jaangooyaa sanad walbo, gobolladana way ku kala duwanyihiin. Qofkii Xanuunsada ama shil galo qiimo dheeraad ah waa inuu dhiibo sanad walbo xaddi go'ana uu jiro oo wax kabadan uusan dhiibaynin (Franchise und Selbstbehalt).

Tarjummaanada

Ma ahan mid fudud inaad kula sheekeysato af qalaad, dhaqaatiirta, Farmashiyaasha ama kuwa ka howl gala daryeelka Caafimaadka. Sidaas darteed, isbitaalada qaar waxay bixiyaan adeegyo Tarjumaano loo carbiyay Tarjumida afka iyo dhaqanka oo bilaash ah. Bukaanada waa inay waqti ku filan kahor sii sheegaan inay u baahanyihiin. Sidoo kale tarjummaanadan waxaa loo carbuunan karaa booqashada isbitaalada ama xaalado kale adiga oo iska bixinaya qiimaha adeegga.