Dugsiga Qasabka ah

Dugsiyada Qasabka ah, Carruurta waxay ku baranayaan aqoonta aasaasiga ah. Kadib waxey sii wadan karaan waxbarashadooda. Dugsiyada Dowlada waa bilaash.

Diiwaangelinta ilmaha

Gobolka ama degmooyinka ayaa ku shaqo leh Dugsiyada dowlada.

Halkan ayaad ka diiwaan gelinaysaa Ubadkaada:

Diiwaangelinta Xanaanada ama Dugsiyada hoose

  • Caruurta ku nool Basel-Stadt: Dugsiyada Dowlada Hoose ee Basel-Stadt (Volksschulen Basel-Stadt)
  • Caruurta ku nool Riehen: Dugsiyada Degmada Riehen (Gemeindeschule Riehen)
  • Caruurta ku nool Bettingen: Dugsiga Degmada Bettingen (Gemeindeschule Bettingen)

Diiwaangelinta Dugsiga Dhexe:

  • Volksschulen Basel-Stadt

Heerarka Dugsiga

Dugsiyada Qasabka ah waxay leeyihiin saddex-Heer. Heerarkan waa kuwo is dul saaran.

  • Xanaanada Caruurta (Kindergarten) waxaa la dhigtaa 2 sano.
  • Dugsiga Hoose (Primarschule) waxaa la dhigtaa 6 sano. Caawinaad gaar ah hadii ay u baahanyihiin ilmahaada ama ay awood gaar ah leeyihiin, waxay halkaan ka heli karaan caawinaad ku habboon.
  • Dugsiga Dhexe (Sekundarstufe I) waxaa la dhigtaa 3 sano. Dugsiga dhexe waxuu leeyahay 3 nooc oo kala duwan (A-Zug, E-Zug, P-Zug). Noocyada heerkaan waa kuwo kala adag.
  • Luqadda Jarmalka hadii aysan ahayn afkaaga hooyo saddex-heer waxbarasho ee aan soo sheegnayba waxaad ka helaysaa caawimaad gaar ah.

Casharada afka Hooyo iyo Dhaqanka (HSK)

Dugsiyada Qasabka inta ay baranayaan caruurta waxay sidoo kale heli karaan koorsooyin ay ku baran karaan afkooda hooyo iyo dhaqankooda (heimatliche Sprache und Kultur, HSK). Caruurta waxay ku baranayaan luqadooda si ay sifiican ugu fahmaan, ugu hadli karaan uguna qori karaan. Sidoo kale waxay wax ka ogaan doonaan taariikhda, juquraafiga, ciidaha iyo dhaqamada wadankooda hooyo. Aad ayaan ugu dhiirigelinaynaa booqashada koorsooyinkaan waana kuwo inta badan bilaash ah xorna aad u tahay inaad booqato.

Dugsiyada Dowlada / Kuwa gaarka loo leeyahay

Dugsiyada dowladda waa bilaash. Wiilasha iyo Gabdhaha waxay wax ku bartaan hal fasal. Casharrada waa kuwo aan diin ku saabsanayn. 95% Caruurta iyo dhalinyarada waxay aadaan dugsiyada dowladda. Waxaa jiro sidoo kale Iskuullo gaar loo leeyahay. Haddii aad u dirto caruurtaada iskuullada gaarka ah, lacagaha iskuulka adiga ayaa iska bixinaayo.

Waajibaadka iyo Xaquuqda Waalidka

Waxaad xaq u leedahay in Iskuulka kula wadaago waxa ilmaha halkaas ku barto iyo dadaalkiisa siduu yahay. Waxa jiro kulamo aad la yeelanayso Macalimiinta. Sidoo kale waxaa jiro kulamo waalidiinta oo dhan hal fasal macalimiintu warbixinada ku siinayaan. Waxaana jiro munaasabado iskuulka qabto oo aad kaheli karto warbixino kusaabsan iskuulka. Waa inaad ka qayb gashaa kulamada iyo munaasabadaha uu qabto Iskuulka ay dhigtaan caruurtaada. Sidoo kale waxaad mas'uul katahay in caruurtaada si joogta ah u aadaan Iskuulka.

Waa in aad la wadaagtaa iskuulka, Hadii ay dhacdo in Ilmahaada uu iskuulka aadi waayo, tusaale ahaan haduu xanuunsado. Sidoo kale waa inaad xil iska saartaa in ilmaada ka shaqeeyo casharada lasoo siiyo ama aad ka caawiso casharrada. Tusaale ahaan waxaad weydiin kartaa, waxyaabaha uu ka qabto Iskuulka si joogta ahna waad u fiirin kartaa cashirada loo soo diray inuu ka shaqeeyo. Sidaas ayaad ku tusaysaa ilmahaada inaad daneyneso inaad ka warqabto xaaladiisa.

Hadii aadan wali sifiican u fahamsanayn Nidaamka waxbarashada Swiiserlaan, waxaad booqan kartaa munaasabadaha laga helo warbixinada kusaabsan arimahaas. Waxaa jiro munaasabado si gaar ah loogu qabto dadka ku cusub wadanka Swiiserlaan. Munaasabadaan waxaa la helaa inta badan ayagoo ku baxayo luqado kale.

Su'aalo / Caawimaad

Hadii aad qabto su'aalo ku saabsan Iskuulka, waa inaad ugu horeyn markasto weydiisaa macalinka fasalka. Macalinka waxuu kuu yahay mar walbo diyaar hadii aad u baahato caawimaad. Hadii macalinka uu dareemo in wax ilmahaaga u baahanyihiin ama uu qabo su'aal ku saabsan ilmahaada, marka ugu horeyso adiga ayuu kula soo xiriiri doonaa. Aad ayay muhiim u tahay in macalimiinta iyo Waalidiinta si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Haddii ilmahaaga ay qabaan dhibaatoyin maskaxeed ama bulsheed. Dhaqaatiirta Cilmi nafsiga ee Iskuulka (Schulpsychologischer Dienst) ayaa adiga iyo Ubadkaadaba idin caawin doono. Caawinta noocaan ah waa mid bilaash ah.