Khamriga / Tubaakada / Maandooriyaha

Qofkii haysta maadooriyaal, isticmaala ama beeciyo, waxuu mudanayaa ganaax. Khamriga iyo Tubaakada lagama iibin karo da'yarta.

Maandooriyaha

Haysashada, iibinta iyo isticmaalka maandooriyaalka mamnuuca ah waa la isku ganaaxaa. Xataa haddii ay tahay wax yar oo aan badnayn. Noocyada mamnuuca ah waxay ku xusan yihiin Xeerka Walxaha Maankadooriya (Betäubungsmittelgesetz). Ka Ganacsiga maandooriyaha ganaaxyo culus ayaa la isku siiyaa.

Khamriga iyo Tubaakada

Khamriga iyo Tubaakada waxaa laga iibin karaa kaliya da'da qaar. Sidaas darteed Gobolka Basel-Stadt cabitaanada khamriga ku milan iyo waxyaabaha tubaakada ku jirto sida sigaarka, lagama iibin karo caruurta iyo dhalinyarada ka yar 16 sano jir. Cabitaanada Khamriga badan ku jiro waxaa laga iibin karaa 18 waxii kaweyn.

Goobaha Sigaarka lagu cabi karin

Meelaha aan la ogolayn in sigaarka lagu cabo wadanka Swiiserlaan Gobolladiisa way ku kala duwan yihiin. Gobolka Basel-Stadt isagoo cuskanaaya qodobbada xeerarka Fedeeralka ee ka hortagga Isku dul cabidda sigaarka iyo Xeerarka Gobollada ee lagu maamulo maqaaxiya ayuu mamnuucay in lagu cabo sigaarka goobahaan hoos ku xusan:

  • Goobaha xiran, meelaha dadka isugu yimaadaan (Isbitaalada, Xafiisyada, Iskuullada, Madxafyada, Shineemooyinka, Masraxyada, Tareennada iyo Basaska, Dukaamada iyo Carwooyinka).
  • Qolalka dad badan ay ku dhex shaqaynayaan.

In Maqaaxidaada lagu dhex cabi karo sigaar iyo inkale, waxay ku xirantahay inta ay la egtahay goobtaada. Maqaaxiyado badan ayaa leh qolal u gaar ah oo lagu cabi karo sigaarka.