Tareenka, Baska iyo Taraamka

Gaadiidka dadweynaha ee Swiserlaan waa kuwo aad looga shaqeeyay. Caadi ahaan deegaan walbo oo wadankan kuyaalo waxaa lagu tagi karaa Tareeno, basas ama Taraam. Gaadiidka dadweynaha waa kuwo ku yimaado waqtigooda waxayna baxaan waqtiyo go'an oo joogto ah.

Gaadiidka Dadweynaha

Gaadiidka dadweynaha ahmiyad sare ayay siisaa Swiserlaan. Maadama deegaan walibo marar badan saacadii lagu tagi karo tareen, bas ama Taraam ayay dad badan oo safar ah isticmaalaan gaadiidkan. Isticmaalka gaadiidkan Waxaa kuu baaqanayo lacago Inkastoo Qiimaha gaadiidka dadweyanaha mid yara qaalisan yahay. Waxaa fiican inaad iibsato kaarka qiimo dhimista ama aad rukumato kaarka lagu raaco gaadidka. Kaarka aan lacagtiisu aadka u badnayn ee Qiimodhimista (Halbtaxabonnement) tusaale ahaan Swiserlaan oo dhan ayaad ku raaci kartaa nus kamid ah qiimahii caadiga ahaa.

Kaararka gaadiidka dadweynaha

Qofkii doonaya inuu raaco tareen, waa inuu goostaa tikit (Billett) intuu tareenku dhaqaaqin. Tareenka dhexdiisa lagama iibsan karo Tikit. Basaska iyo Taraamka qaabab kale duwan ayaa loo goostaa Tikidhadooda. Boosteejo walba oo SBB Tareenkeedu istaago ama laga raaco iyo inta ugu badan boosteejoyinka Basaska waxaa laga helaa mashiinada laga iibsado Tikidhada, Boosteejoyinka waaweeyn sida kuwa tareenada iyagu waxay leeyihiin sidoo kale Xafiisyo laga iibsan karo tikitka. Haddii loo baahdo Tikitka waxaa sidoo kale laga iibsan karaa interneetka ama Taleefanada dhexdooda.

Dadka inta badan ku safro gaadiidka dadweynaha waxaa jiro Tikidho kala duwan oo ay rukumaan karaan. Waxaa lahelaa kuwo meelo dhow, deegano gaar ah ama Swiserlaan oo dhan lagu tagi karo (Generalabonnement). Caruurta ka yar 6 sano wax tikit ah lagama rabo. Caruurta ka yar 16 sano waxay kula raaci karaan waalidiintooda si aan bilaash waxba dhaamin haddii ay haystaan tikitka caruurta kula raaci karaan waalidkooda. Macluumaad ku saabsan Tikityada caadiga ah iyo kuwo la rukuman karo waxad ka helaysaan Xarumaha Tareenada Swiseerlaan ee SBB ama Shirkadaha gaadiidka dadweynaha.

Shirkada gaadiidka dadweynaha ee Waqooyiga Galbeed Swiserlaan TNW

Shirkada gaadiidka dadweynaha ee Waqooyiga Galbeed Swiserlaan TNW waxay ku bixisaa qiimo gaar ah Tikityada, Tikityada la rukunto iyo Tikityada maalinlaha ah ee lagu tago Basel iyo nawaaxigeeda. Shirkada gaadiidka dadweynaha ee Waqooyiga Galbeed Swiserlaan TNW goobaha lagu tagi karo Tikityada waxay u kala saartay qaybqayb. Qofkii Gobolada Waqooyiga Galbeed ee Swiserlaand inta badan ku socdaalo Taraam, Bas ama Tareen waxuu ka faa'ideysan karaa Tikitka la rukunto ee U-Abo. Tikitkan waxaa lagu tagi karaa dhammaan meelaha ay ka shaqeyso shirkada TNW iyo Xuduudaha dibadda ee inoo dhow. Qofkii doonaya inuu ka tilaabo meel kabaxsan goobaha shirkadu tikityadeedu ka shaqeeyaan waxuu u baahanyahay Tikit gooni ah.

Kaarka maalinlaha ah ee laga iibsado Xafiiska Degmada

Qofka qorsheynaya inuu safarro dhaadheer ku maro Swiserlaan wuxuu xafiisyada degmooyin badan oo Swiserlaan ah ka iibsan karaa Kaarka maalinlaha (Gemeindetageskarte) ee lagu tagi karo Swiserlaan oo dhan qiimo jaban. Si kastaba ha ahaatee Fursadaan waa mid xadidan sidaas darteed waa in waqti hore lasii carbuuntaa. Xog kusaabsan waxaa kula wadaagayo Maamulka degmadaada.

Qadka Habeenka

Usbuuca dhamaadkiisa (Habeenada Sabtiga iyo Axadda soo galayso) waxaa sidoo kale saqda dhexe ka shaqeeya Basel-Stadt iyo meelaha u dhow gadiidka dadweyanaha sida Taraamka, Basaska iyo Tareenada. Qadka Habeenkii ee Shirkada TNW wax lacag dheeri ah oo la iska qaado majirto.