Jaamacadaha / Tacliinta Dugsiyada Sare

Swiiserlaan waxey u taqaanaa Tacliinta sare labo nooc. Jaamacahada iyo Dugsiyada Sare. Si loo aqoonsado shahaadoyinkaagi heerarka sare waxbarashada ee wadankaaga aad kala timid waa inaad toos ula tagtaa Dugsiyada Sare ee wadanka.

Nidaamka Waxbarashada Tacliinta Sare

Tacliinta sare ee Swiiserlaan waxaa loo kala saaraa Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee Farsamada (Fachhochschulen). Dugsiyada sare ee Farsamada waxaa inta badan lagu bartaa hab farsamo oo la taaban karo halka Jaamacadaha ay yihiin badanaa kuwo u badan duruus qoraal ah iyo aragtiyo guud. Labadan nooc ee waxbarasho waa kuwo siman oo lagu jaangooyay nidaamka reer yurub ee Baloonya (Bologna-System). Dadka ka baxo jaamacadahan waxaa la gudoonsiiyaa shahaadada heerka koowaad ama labaad ee jaamacadaha (Bachelor ama Master) ee laga aqoonsahay yurub.

Qaabilaadda

Shuruudaha qaabilaada jaamacada way ku kala duwan yihiin jaamacadaha. Shahaadoyinka Dugsiga sare ee Swiiserlaan waa hubaal in laguu qaabilayo barashada Jaamacada. Shahaadoyinka noocan ah ee aad kala timid dibadda la sitoos ah lagaama ogolaanayo inaad jaamacad ku gasho. Si loo aqoonsado shahaadoyinkada oo aad ugasho jaamacadda waa inaad toos ula xiriirtaa jaamacada aad doonaysid inaad wax kabarato. Sida caadiga waxaa la is xiraa luqadda jarmalka ee heerarka sare ah. Jaamacado aan badnayn ah ayaa bixiyo cashiro dhammaantood ku baxayo luqada Ingriiska. La taliyaasha dhinaca waxbarashada, xirfadaha iyo wadada loo maro (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung) ayaa si bilaash ah kuula socodsiin doono fursadaha kala duwan ee Tacliinta sare.

Tacliinta Xirfadda Sare

Si lamid ah Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha ayaa Wadanka Swiiserlaan Tacliinta Xirfada sare ay tahay wadiiqo aad loo jecelyahay. Waxay u sahleysaa Xirfadleyaasha inay ku takhasusaan oo ka gun gaaraan Farsamooyinkii ay barteen iyo inay qabtaan howlaha maamulka. Tacliinta Xirfadaha sare waxaa lagu dari karaa marka la dhameeyo Dugsiyada Farsamada (Berufslehre). Looma Baahno shahaadada Maturitätka. La taliyaasha dhinaca waxbarashada, xirfadaha iyo wadada loo maro (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung) ayaa macluumaad bilaash ah kaa siin doono fursadaha kala duwan ee Tacliinta Xirfadaha sare.