Xarumaha talooyinka

Gobolka Basel-Stadt Waxaa jiro xarumo badan oo talooyin bixiya. Kuwa qaar waxay bixiyaan talooyin ku saabsan su'aalaha guud. Kuwa kalena waxay kaala talinayaan Mowduucyo gaar ah. Talada koowaad inta badan waa bilaash. Inta badan Talooyinka dheeraadka ahna wax qarash ah lama bixiyo. Xarumaha qaar waxay bixiyaan talooyin ku baxa luqado badan.

Xarumaha guud ee latalinta

Xarunta dhexe ee latalinta Ajaanibta

  • GGG Migration
    Howlwadeenada GGG Migration waxay kaaga jawaabayaan su'aalo kala duwan oo kusaabsan guud ahaan nolol maalmeedka Swiserlaan oo 14 luqadood ah. Waxaa macquul ah inaad raadinayso Koorso af Jarmal ah ama Adeegyada Isdhexgalka bulshada. Sidoo kale waxyaabahas waxaa kaa caawinayo howlwadeenada GGG Migration. Talobixinta waxaad u heli kartaa si toos ah ama taleefon ayaad kasoo wici kartaa. Waxaa fican intaadan tagin kahor inaad sii wargeliso. Talo bixintu waa bilaash.

Xog kusaabsan Xuquuqdo magangelyo doonka iyo Ajaanibta waxaad kahelaysaa:

  • BAS Beratungsstelle
  • Freiplatzaktion

Xarumo kale oo laga helo talo bixinta

  • Waxaa jiro xarumo kale oo aad kahelayso talooyin guud. Xarumaha qaar waxaad kula hadli kartaa luqado kale oo aanan ahay Jarmal.
  • Kooxaha ajaanibta waxaad kahelaysaa macluumaad guud oo luqadaada hooyo ah.

Maamulka Dowladda hoose / Maamulka Degmada

Sidoo kale waxaa inta badan ku caawin karo dowladda deegaanka aad ku nooshahay, Tusaale ahaan maamulka dowladda ama maamulka degmada. Howlwadeenada waxaa macquul ah inay kaaga jawaabaan su'aalahaada ama kuu sheegaan xarunta talobixinta ee ku caawin karta. Barta Internetka ee Dowladda waxaad ka heli kartaa lambarro taleefon, Cinwaanno I-Meeyl, Waqtiyada ay furanyihiin iyo macluumaad dheeri ah.

Xarumaha Latalinta gaarka ah

Basel waxaa ka dhisan xarumo badan oo laga helo talooyin, kuwaasoo modwuucyo gaar ah kaasiinayo talooyin. Tusaale ahaan: Gabowga, Shaqada, Sharciga, Waxbarashada, Guurka/Furiinka, Koriinka ubadka, Qoyska, dhaqaalaha (Deymaha/Bajatka), Caafimaadka, Rabshada Qoyska, Isdhexgalka Bulshada, Dhibaatoyinka Dhimirka, Daryeelka Ubadka, Uurka, Galmada, Balwada, Su'aalaha Bulshada. Talooyinkan inta badan ma ahan inaad wax qarash ah ku bixiso. Waxaad kaheli kartaa meelaha lagala xiriiro xarumaha qaar iyo mowduucyada ku haboon Bogga Interneetka ee "Hallo Basel-Stadt". ama waxaad weydiin kartaa Warbixinada iyo Xarumaha Talada ee GGG Migration. Howlwadeenada waxay ku hadlaan luuqado badan waxayna kula wadaagayaan Adeega talobixinta kugu habboon.

Haddii aadan wali ku hadlin Jarmal fiican waxaa macquul ah inaad u baahato Turjumaan kuu raaco Xarumaha Talada. Inta aadan ballan la yeelan Xarunta kahor weydii waayo xarumaha qaar waxay ku hadlaan luqado kale. Ama waxay kuu diyaarin karaan qof ballanta kuu turjumo. Ama waxaa macquul ah in adiga lagu yiraahdo qof kuu turjumo keenso.

Midab Takoorka

Mala kulantay Takoor ama Midab Takoor? Mise ma aragtay qof lagu sameynayo Takoor ama Midab takoor? Waxaa jiro Xarumo aad ka xiriir karto:

  • "STOPP Rassismus" Waa xarun kahowlgasha Gobollada Basel-Stadt iyo Basel-Landschaft. Talooyinka waa bilaash waana qarsoodi. Waad wici kartaa ama toos ayaad u tagi kartaa sidoo kale onlineka ayaad kula xiriiri kartaa.
  • Shabakadda "Netzwerk Antirassismus" waxay kaa caawinaysaa haddii aad la kulantay Takoor ama Midab Takoor.
  • Ururka "Stiftung GRA" Waxay kaa caawinaysaa Takoor diimeedka.