Xarumaha laga helo Caawimaada

Qalalaasaha Qoyska (Häusliche Gewalt) waa is gacan qaadka dhex maro Reeraha iyo lamaanaha. Waa muhiim inaad doonato caawimaad hadii aad la kulanto Rabshadaha noocan ah. Xarumo kala duwan ayaa bixiyo wacyigelin, la talin iyo garab istaag ku saabsan arimahan. Sida caadiga ah kulamada xarumahan waa qarsoodi hadii loo baahdana waxaa lagu qabanayaa turjumaan waliba inta badan waa bilaash. Goobaha hoos ku xusan waxaad ka heli kartaa kaalmo.

Xaaladaha degdega ah

Halkan waxaad ka helaysaa Xog dheeri ah oo laxiriirta goobaha laga helo Gargaarka xaaladaha Degdega ah:

Talobixin

Waa Qarsoodi iyo bilaash. In laguu helo turjumaan waa macquul.

  • Talo, garab istaag iyo taageero dhaqaale ee haweenka, ragga, caruurta iyo dhalinyarada: Caawiyaha dhibanaha ee labada Basel, 061 205 09 10, www.opferhilfe-beiderbasel.ch
  • Kahortaga xaaladaha adag iyo talooyin: Xafiiska Arimaha Bulshada ee Booliska Gobolka (Fachstelle für Häusliche Gewalt der Kantonspolizei), 061 267 70 38
  • Talooyinka Khamrada iyo dhibaatoyinka Balwadaha: Waaxda Caafimaadka qaybta Balwadaha, 061 267 89 00, www.sucht.bs.ch (DE)
  • Talooyinka dhibaatoyinka balwadaha oo luqado kala duwan ah: Multikulturelle Suchtberatungsstelle MUSUB, 061 273 83 05, www.mituns.ch
  • Talo qarsoodi ah (teleefoon, qaab online ah iyo I-Maayl): Dargebotene Hand (24/7), Tel. 143, www.143.ch
  • Talo iyo taageerada Waalidka, Qoysaska iyo dadka mas'uulka ah: Elternnotruf (24/7), 0848 35 45 55 (Festnetztarif), www.elternnotruf.ch
  • Latalinta talo ragga talo doonka ah: Xafiiska Ragga ee deegaanka Basel, 061 691 02 02, www.mbrb.ch (DE) Qiimaha talooyinka waxay ku xirantahay dhaqaalaha ay awoodi karaan dadka talo raadiska ah.

Carruurta iyo dhalinyarada

Carruurta iyo dhalinyarada ay haysato xaalado adag oo qoyska ah waxay wici karaan habeen iyo maalinba Pro Juventute si ay ula hadlaan. Waxay kula xariiri karaan taleefoon, wada sheekeysi, fariin qoraal ama iimayl.

  • Talobixinta qarsoodiga ah ee Caruurta iyo dhalinyarada (waxaa lagula xiriiri karaa (qadka teleefoonka, wada sheekeysi, fariin qoraal iyo I-Meeyl): Pro Juventute: Waa tallo bilaash ah oo ah qarsoodi 24/7, taleefoonka. 147, www.147.ch

Kaalmo Caafimaad iyo Raad raaca

Xadgudubyada Jirka ama galmada waxaa lagu dhiirigeliyaa in sida ugu dhaqsaha badan dhaqtar u baaro. Baaritaanka waa mid qarsoodi ah. Booliska waxa lala socodsiinayaa kaliya haddii dhibanahu raali ka yahay.

Isbitaalka Jaamacada ee Basel waxuu u gaar yahay dhaawacyada iyo raadraaca ka dhasha xadgudubyada jirka iyo galmada. Hadaba qofkii u taga dhaqaatir kale waa inuu ka codsadaa inay raadadka xadgudubyada si wacan u diiwaangeliyaan.

Talooyinka dadka saameeya Rabshadaha

Xogta qarsoodi ah. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan.

  • Talooyinka dadka saameeya Rabshadaha Qoyska: La talinta khilaafaadka Qoyska, 061 267 00 26, www.bdm.bs.ch (DE)
  • Latalinta talo ragga talo doonka ah: Xafiiska Ragga ee deegaanka Basel, 061 691 02 02, www.mbrb.ch (DE) Qiimaha talooyinka waxay ku xirantahay dhaqaalaha ay awoodi karaan dadka talo raadiska ah.