Shaqo la'aanta

Dhammaan Shaqaalaha waxay ku jiraan Ceymiska Shaqo la'aanta. Qofka shaqo la'aan noqdo caadiyan waxuu helayaa in muddo cayiman ah kaalmo dhaqaale. Dadka shaqo la'aanta ah waa inay iska diiwaangeliyaan Xarumaha Gobolka ee Shaqada (RAV). Halkaas waxay ka helayaan caawinta shaqo raadinta.

Ceymiska Shaqo la'aanta

Ceymiska Shaqo la'aanta (ALV) waa hay'ad dowli ah oo qasab ku ah dhammaan shaqaalaha inay ku jiraan. Lacagaha Ceymiskan waxaa bil walbo laga toos looga jaraa mushaharka shaqaalaha. Qofka loo shaqeynayo waxuu dhiibaa haaf kamid ah lacagahaas. Dadka goonidooda u shaqeysto magali karaan Ceymiskan. Qofkii shaqo la'aan ku dhacdo, waxuu ka helayaa sanduuqa shaqo la'aanta, kaalmo ah badalkii mushaharkii uu ku shaqeyn jiray (Arbeitslosengeld). Inaad helayso ama Goorta ay kuu bilaabanayso iyo Cadadka Kaalmada shaqo la'aanta (Abeitslosengeld) ee lagu siin doono waxay ku xirantahay wax yaabo kala duwan. Tusaale ahaan, intii sano ee aad horay usoo shaqeysay ama sababta aad u noqotay shaqo la'aanta.

Qaabka loo wajaho Shaqo la'aanta

Maalin kahor inta aadan shaqada kasoo tagin ama ugu dambeyn maalinta koowaad ee shaqo la'aanta kugu dhacdo waxaad ku qasban tahay inaad iska diiwaangeliso Xafiiska Shaqada ee Gobolka (Regionales Arbeitsvermittlungszentrum, RAV). Halkaas ayaa laguugu sharixi doonaa tilaaboyinka kale oo dhan.

Xafiiska Shaqada ee Gobolka

Xafiiska shaqada ee gobolka (RAV) wuxuu kugu caawinayaa si deg deg ah inaad shaqo kale ku hesho. Hadii aad qaadato lacagaha kaalmada shaqo la'aanta waxaa waajib kugu ah inaad tagto Ballamaha talada ay kula yeeshaan RAV-ka. Sidoo kale RAV-ka waxuu bixiyaa koorsooyin ama shaqooyin aad kusii tababaran karto. Ka qeyb qaadashada barnaamijyada RAV-ka kuu diro qaarkood waa waajib. Sidoo kale dadka aan waligood ka shaqeynin Swiiserlaan ee shaqo raadiska ah waxay iska qori karaan RAV-ka laakin wax lacag kaalmo ah mahelayaan.