Wada noolaashaha Swiiserlaan

Waddan walbo waxa uu leeyahay dhaqammadiisa u gaarka ah. Sidaaso kale Swiiska waxaa jiro qaab dhaqameed ay habboon tahay inaad wax ka ogaato.

Dhaqammada kala duwan

Swiiserlaan waxaa ka jiro dhaqammo iyo hab fikir kala duwan. Tani waxay sidoo kale ku lug leedahay afarta luqqad ee rasmiga ah wadanka looga hadlo. Wax caadi ka ah gobollada luqada Jarmalka looga hadlo ayaa dhici karto gobollada afka Faransiiska looga hadlo inay si kale u arkaan. Farqiga u dhaxeeyo magaalooyinka iyo baadiyaha ayaa isna noqon kara mid weyn. Si kastaba ha ahaatee waxaa jiro dhaqammo dadka Swiiserlaan oo dhan ay ka simanyihiin.

Salaanta

Markaan joogno Swiiserlaan waxaan isku salaannaa sidaan: Gacanta ayaan isku salaanaa innagoo indhaha iska eegayno. Xataa Ragga iyo Dumarka markay isa salaamayaan indhaha ayay iska eegaan. Innaga Reer Basel ahaan waxaan dhahnaa Giridssi "Griezi". Dadka sida fiican isu yaqqaano waxay is dhahaan Saali "Sali" ama Hooy (Hoi). Dadka baadiyaha ku nool way isku salaammaan waddooyinka xataa haddii aysan is aqqoon.

Xushmadda aad ayay muhiim uga tahay Swiiserlaan. Sidaas awgeed ayaan inta badan isu dhahnaa Mahadsanid "Danke" iyo Adaa mudan "Bitte". Tusaale ahaan, dukaamada ama maqaaxiyadaha waxaan marar badan is dhahnaaa "Danke" iyo "Bitte" oo ah Mahadsanid iyo Soo dhowow (Adaa mudan).

Inaad Waqtiga ilaaliso

Waddanka Swiiserlaan ilaalinta waqtiga aad ayay muhiim u tahay, qaasatan goobaha shaqada. Haddii aad in kabadan 5 daqiiqo soo daahayso, fadlan waqti hore sii wargeli meesha aad ballanta ku lahayd. Qof ayaad rabtaa inaad la kulanto soo ma ahan? Hadaba waa inaad ballan lasii dhigataa kulanka kahor.

Xiriir Maldahan

Reer Swiiserlaan hadaanu nahay, dhaliisha indhaha iskama saarno inta badan. Qaab maldahan ayaan isugu sheegnaa badanaa. Si kastaba ha noqotee waxaan ka rajaynaa dadka kale inay yihiin kuwa fahmi kara dhaliisha. Haddii aadan wali ku hadlin af Jarmal fiican culees gaar ah ayay kugu noqonaysaa.
Sidoo kale waxaan isaga fogaana marar badan Khilaafyada. Tusaale ahaan deriskaada ayaa wax kaa dhibsaday soo ma ahan? Waxaa laga yaabaa inay toos kuugu imaanin ee ay warqad kuusoo qoraan. Ma hubtid sooma ahan waxa ku qoran warqadda inaad si fiican u fahantay? Hadaba waxaa fiican inaad waydiiso markale waxii aadan fahmin.