Dandaansiga

Dandaansigu waa nooc kamid ah xadgudubka waana wax keena culeeys badan. Waa muhiim in laga hadlo lana helo talo.

Waa maxay Dandaansi?

Dandaansigu waa in si saa'id ah qof isha loogu hayo, xiriir lala sameeyo, loona geysto xadgudub. Arrintaan waxaa qofka lagu sameeyaa asagoon raali ka ahayn. Dadka inta badan sameeya waa dadka dhibaatooyinka geysta (sida lamaanayaashii hore) laakiin sidoo kale qofka geysanaaya wuxuu noqon karaa qof aadan aqoon.

Tusaale ahaan: soo dirista fariimo qoraal ah oo badan, iimaylo iyo fariimo kale, tacadiyad ka dhacda shaqada ama guriga, argagax la isugu geysto taleefoon, hadiyado uusan qofku rabin iyo ka raadinta xog goobta qofka.

Dandaansigu wuxuu saameyn karaa caafimaadka dhibanaha iyo xaalada maskaxdiisa.

Diiwaangelinta rabshada

Waa muhiim in la caddeeyo dandaansiga. Tusaale ahaan, dhibanuhu wuxuu qori karaa dhibaatada dandaansiga ee loo geysto (tusaale, hadiyadaha, qoraalada, wicitaanada taleefoonka), dhibanuhu wuxuu arrinta la socodsiin karaa dadka u dhaw (deriska, saaxiibada ama shirkada uu u shaqeeyo) wuxuuna qaadi karaa sawiro/caddeymo muujinaaya fariimaha (WhatsApp ka, Facebookga, iwm.).

Raadsashada Taageero

Xarumaha taageera dhibanaha (Opferhilfe) waxay bixin karaan taageero. Khabiir ayaa caddeyn kara xaalada sharci wuxuuna dhibanaha ka caawin karaa tallaabada xiggta.

Xafiiska Arimaha Bulshada (Sozialdienst) ee Booliska gobolka waxay u gaaryihiin daandaansiga. Dhibanayaasha waxay laxiriiri karaan Xafiiska Arimaha Bulshada.