Guurka Qasabka ah iyo Gudniinka gabdhaha

Guurka Qasabka ah (Zwangsheirat) iyo Gudiniinka gabdhaha (Mädchenbeschneidung) waa ka mamnuuc Swiserlaan. Marka laga yimaado hay'adaha ku takhususay, Xarumaha talooyinka siiya dhibanahayaasha (Opferhilfe) ayaa sidoo kale bixin kara taageero.

Waa maxay guurka qasabka ah?

Haddii qof u guursado cadaadis ka haysto qoyskisa darteed iyo isagoo uusan qofku raali ka ahayn, arrinataan waxaa loo yaqaan guur qasab ah. Guurka waxaa laga yaabaa in laga soo qaado midaan jirin. Dadka sidoo kale waxay xor u yihiin inay doortaan inay qofka lasii noolaadaan ama inay kala tagaan. Haddii qof uu sii qabo qof aan dooneyn, waxaa sidoo kale arintaas loo yaqaan guur qasab ah.

Tusaale ahaan qasbidda waxaa kamid ah: hanjabaada, cadaadiska, cadaadiska maskaxda ama xadgudub jir ahaaneed.

Guurka qasabka ah iyo Lamaanaha qasabka ah waa ka mamnuuc dalka Swiserlaan.

Caawimaad

Waaxda Gaarka ah ee Qaranka "zwangsheirat.ch" waxay siisaa dhibanayaasha iyo khabiirada Talooyin qarsoodi iyo bilaash ah: lambarka khadka Caawinta 0800 800 007 ama iimaylka info@zwangsheirat.ch

Waa maxay gudniinka gabdhaha?

Gudniinka gabdhaha waxaa qayb laga gooyaa xubinta taranka Haweenka. Waxaa jira noocyo kaladuwan iyo qaabab loo gooyo. Gabdho iyo dumar badan oo la guday waxay la dhibanyihiin caafimaad darro jireed iyo kuwa nafsaaani ah oo ay ka dhaxleen gudniinka.

Gudniinka gabdhaha waa mamnuuc. Waalidiintu sidoo kale waxaa ku dhici kara ganaax haddii ay ilmaha u diyaariyaan gudniin ay ku gudaan meel ka baxsan Swiserlaan.

Caawimaad

Ururka ka dhanka ah gudniinka gabdhaha waxay macluumaad siiyaan lana xiriiraan dadka muhiimka ah. Kaaritaaska Swiserlaan waxay talo bilaash ah iyo qarsoodi ah siisaa dadka saameyntu soo gaartay: Waxaa lagala xiriiri karaa 042 419 23 55 / beratung@maedchenbeschneidung.ch

Xarumaha taageera dhibanaha (Opferhilfe) way caawin karaan.