Xayawaannada Guri Joogta ah

Hadii aad haysato xayawaanada guri joogta ah, waa inaad ilaalisaa sharciyo dhowr ah oo kala duwan. Tusaale, Xayawaanada qaar lama ogolo in guri walbo lagu haysto. Hadii aad Eey haysato waa inaad ka diiwaangelisaa gobolka.

Haysashada Xayawaanada

Guri kiro ah hadii aad ku nooshahay, marnaba lagaama ogolaanayo inaad ku haysato xayawaanada yaryar sida Nooc Bakaylaha u eg (Meerschweinchen), Dooliga nooca waawayn (Hamster), Shimbiraha u eg bagabaqayaha ee dhawaqa dheer (Kanarienvögel) ama Malaayga. Waxaase kaloo dhici karto in xayawaanada waawayn (Xataa Bisadaha iyo Eyaha) Qandaraaska Kirada Guriga ay ku qornaan karto in aan lagu haysan karin guriga. Xayawaanada dhawaqa dhaadheer sameeyo ama halista ah, qofka kaa kireynayo guriga waxuu xaq u leeyahay inuu ku yiraahdo waaka mamnuuc gurigaan. Si kastaba ha ahaatee dadka haysto xayawaanadan waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaal Xeerarka Xanaanada Xayawaanka. Tusaale ahaan Xeerarkaas waxaa ku qoran in xayawaanada qaar sida hal bakaylaha aan kaligiis meel lagu hayn karin oo wehel u baahanyahay. Waxaa jiro sidookale cabbir go'an oo lagaa rabo inuu la ekaado godka ama meesha aad dajinayso. Xayawaanno badan sida shabeelka ayaan loo ogolayn in wadanka Swiiserlaan lasoo galiyo ama aad ogolaansho qaas ah kasoo qaadato Hay'adda Xanaanada Xoolaha (Veterinäramtes).

Eeyaha

Gobolka Basel-Stadt waxaa ka jiro xeerar u gaar ah Eeyaha. Waajibaadka saaran dadka haysto Eeyaha ayaa ku xusan xeerarkaas. Macluumaad dheeraad ahna waxaa kula wadaagi karo Dhaqtarka ama Dhaqtarada xayawaanka.

  • Eeyaha Swiiserlaan oo dhan waa in qalab yar lagu dhex beero jirkooda, kaaso ay ku xafidsanyihiin macluumaadkiisa. Eeyga waxa la siinayaa Sharciga Teesaraha eeyaha oo laf ah (Kreditkartenformat). Teesarahan lama mid ah midka buluuga ah ee wadamada midowga yurub ee adigoo Eeygaada wato aad la safri karto.
  • Eeyaha waxaa qasab ah in laga diiwaangeliyo Gobolka ay ku noolyihiin. Bogga aaladda internetka ayaad ka buuxin kartaa foomka (Onlineformular). Sanadwalbo Eeyaha waxaa laga qaadaa Canshuur. Si aad u haysato Eey waxaa waajib ah inaad ku jirto Caymiska Magdhowga (Haftpflichtversicherung).
  • Qof walba oo Eey iskaleh waa inuu meel walboo Eygaasi ku saxaroodo isla markaasi qaado oo ku qubo meelaha loogu tala galay. Haddii aadan samaynin sidaas Askarta ayaa kugu ganaaxi karta.
  • Eeyaha qaar (sida Putbull-ka iyo Rottweiler-ka) si aad u haysato waxaad u baahantahay inaad hesho ogolaansho qaas ah.
  • Goobaha lagu nasto ee faras magaalaha (Park) iyo meelaha carruurta lagu ciyaarsiiyo waaka mamnuuc in Eeyaha galaan. Jiyeehaya "Mapserver" ka ee Gobolka waxaad kaheli kartaa goobaha loo ogolyahay in ay eeyaha ku luga baxsadaan iyo meelaha ay ku dabaashaan.