Deynta

Haddii lagu bixin waayo lacagaha biilasha waqtigii loogu talagalay waxaa lala kulmi karaa caawaqib xumo dhab ah. Xarumaha latalinta deymaha waxaa laga helaa caawimaad ku saaabsan dhibaatoyinka dhaqaale.

Digniinta iyo Diiwaanka Deymaha

Qofkii ku bixin waayo biilasha waqtigii loo qabtay waxaa marka hore sida caadiga ah loo soo diraa digniinta koowaad iyo digniinta labaad (Mahnung). Qofka ama shirkadda deynta kugu leh waxaa marwalibo u furan inay ku geliyaan diiwaanka deymaha (Betreibung). Xaaladan oo kale qofka deemeysan waxaa amar lacagta inuu bixiyo ah looga soo diraa Hay'adda qaabilsan deeymaha (Betreibungsamt). Waxaa sidaas kugu sii kordhayo lacago kale. Qofkii aaminsan in si qalad ah lagu galinayo diiwaanka, si sharci ah ayuu kaga doodi karaa (Rechtsvorschlag) hay'adda diiwaanka deymaha. Fiiro gaar ah: Diiwaanka deynta waxuu horseedi karaa in mushaharka aad ku shaqeyso qeyb badan oo kamid ah loo qaato deyntaas ama alaab qaali ah haddii ay kuu taalo lagaa qaato. Sidoo kale waxa si rasmi ah laguu galinayaa (Betreibungsregister) galka deymaha (xataa deyntii hadaad iska bixiso kadib). Caqabad ayay midaas ku noqon kartaa markaad Guri raadsanayso.

Deynta

Qofkii walwal dhaqaale ama deyn ah qabo, waxuu la xiriiri karaa Xarunta latalinta Deymaha (Schuldenberatungsstelle). Halkaas waxuu ka helayaa caawinaad. Khabiiro ayaa si wada jir ah ula eegayo dadka talo doonka ah xaaladooda iyo xalkooda. Ururka Kaaritaaska waxuu ku bixiyaa sidoo kale talo bixin qarsoodi ah lambarka taleefanka: "SOS-Deymaha" Qadka latalinta 0800 708 708 ( wicitaanku waa bilaash). Hadii loo baahdo waxay kugu wareejinayaan xarumo kale. Caawinaad iyo macluumaad ku anfaco waxaad ka heli kartaa Xarunta latalinta ee Plusminus.