Sharciyada iyo Dhalashada Wadanka

Si aad Swiiserlaan u deganaato muddo dheer ama aad ka shaqaysato halkan waxa ay u baahantahay Sharci. Waxa loo kala saaraa sharciyadan Dalku Joogyo iyo Deganaasho.

Noocyada Sharciyada

Qofka muddada uu ku suganyahay Swiiserlaan doonay inuu shaqeeysto ama inkabadan 3 bilood halkan ku nagaado, wuxuu u baahanyahay Sharci. Waxaa bixiyo sharciyada Hay'adda safarrada ee gobollada (Migrationsamt). Waxaa loo kala saara Dalku Joogyo muddo gaaban ah (ilaa 1 sano), Sharci Dalku Joog (waqtigiisu xadidanyahay) iyo Sharci Deganaasho ah (waqtigiisu xadidnayn), sidoo kale Sharciga ajaanibta xuduudaha wadankan degan ee halkan ka shaqeeyo.

  • L-ka Dalku jooga kooban (Kurzaufenthaltsbewilligung L): Sharcigaan waxaa la siiyaa shaqsiyaadka muddada kooban (inta badan 1 sano), arrimo gaar ah ugu nool Swiiserlaan. Inta badan waxaa loo ogolyahay shaqsiyaadka u dhashay waddama yurub (EU-/EFTA), ee haysta Qandaraas shaqo (Arbeitsvertrag) oo ugu yaraan 3 bilood ilaa 1 sano ah.
  • Sharciga Dalku jooga B (Aufenthaltsbewilligung B): Sharcigaan waxaa loo ogolyahay shaqsiyaadka loo ogolyahay inay muddo dheer joogaan Swiiserlaan. Inta badan waxaa loo ogolyahay shaqsiyaadka u dhashay waddama yurub (EU-/EFTA), ee cadayn kara inay haystaan Qandaraas shaqo (Arbeitsvertrag) oo kabadan 1 sano. Sharcigan dadka u dhashay wadamada yurub EU/EFTA waxaa la siiyaa mid ilaa 5 sano ay ku joogi karaan. Dadka wadamada kale ee adduunka u dhashay waxaa la siiyaa mid ilaa 1 hal sano lagu joogi karo. Intaas waxii kadambeyo waa in ay dalbadaan in loo cusboonaysiiyo. Si loogu cusbooneyso waxaa lagu xeri karaa dadkaan shuruudo, tusaale ahaan, inuu booqdo fasallo luqadda jarmalka ah. In laguu cusbooneysiiyo xaq uma lihid. Sababaha in laguu cusbooneysiiyo kahor imaankaro waxay noqon karaan, tusaale ahaan inaad dembiile noqoto ama noloshaada ku tiirsanaato Lacagaha Ceyrta ah. Sharcigaan waa lagaala noqon karaa haddii in kabadan 6 bilood oo xiriir ah aad dalka dibaddiisa ku maqnaato. Sidoo Kale Dalku Jooga B waxaa la siiyaa dadka loo aqoonsaday inay yihiin qaxooti.
  • C-da Dal ku jooga ee aan waqtigiisu xaddidnayn (Niederlassungsbewilligung C): Sharcigaan waxaa la helaa kaddib marka aad 5 ama 10 sanadood deganaato Swiiserlaan. Sidoo kale sharcigaan way ku kala duwan yihiin helitaankiisa dadka yurub EU/EFTA u dhashay iyo dadka wadamada kale ka yimid. Haddii aad u guurto meel ka baxsan Swiiserlaan shuruudaha qaarna aad buuxiso waxaa laguu ogolyahay inaad ka maqnaato ugu badnaan 4 sanadood. Taasna waxay u baahantahay inaad codsi u gudbisato Hay'adda Socdaalka.
  • F-ta dadka sida kumeel gaarka ah loo qaabilay (Vorläufige Aufnahme F): Sharcigaan waxaa helo dadka magangelyo doonka ah ee aan loo aqoonsanin inay yihiin qaxooti laakin si kumeel gaar ah loo qaabilay. Sharcigaan waa in sanad waliba dib loo cusbooneysiiyo.

Kaarka Ajaanibta

Dadka ajaanibta ah ee ku nool waddanka Swiiserlaan waxaa la siiyaa Kaarka ajaanibta (Ausländerausweis). Nooca kaarka ee la siinaayo waxay ku xirantahay wax yaabo kala duwan. Dadka halkaan yimaado waxaa laga qaadaa faro iyo sawir waxaana lasiiyaa Kaar. Haddii Kaarkaas la xado ama uu lumo, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo wargeliyo Booliiska. Warqadda baadi goobka ee Booliska qoreen iyo Sawirka Baasaboorka wadankaaga ama Kaarka aqoonsiga (dadka u dhashay yurub EU/EFTA) ayaad kaga dalban kartaa Hay'adda socdaalka (Migrationsamt) Kaar cusub.

Cusbooneysiinta

Hadba nooca Dal ku joog iyo dhalashadaada ayay ku xirantahay inta u dhaxeyso muddada sharcigaaga la cusbooneysiinayo. Haddii lagama maarmaan tahay in la cusboonaysiiyo sharcigaaga, waxaa kuu imaanaya Foom la buuxinaayo (Verfallsanzeige). Foomkaan waa inaad buuxiso, maamulka meesha aad ka shaqaysana ay soo saxiixaan kaddibna aad u dirto foomka iyo sawirka baasaboorka waddankaada ama Kaarka aqqoonsiga (dadka yurub u dhashay EU/EFTA) Hay'adda Socdaalka (Migrationsamt). Haddii aad su'aalo qabto waxaa kaaga jawaabayo Hay'adda socdaalka.

Qaadashada Caadiga ah ee Dhalashada waddanka

Haddii aad daggantahay Swiiserlaan muddo 10 sano ah, waxaad xareeysan kartaa codsiga qaadashada baasaboorka / Jinsiyada wadanka. Dadka 8 jir illaa iyo 18 sano da'dooda u dhaxeeyso waxaa loo xisaabinayaa sanadahaas ay ku noolaayeen Swiiserlaan, sanadkiiba 2 sano. Shuruudaha ugu muhiimsan ee la iska rabo inaad buuxiso waa inta sano aad ku noolayd dalka, inaad ku hadasho luqadda Jarmarlka, inaad tahay qof wadanka dhexgalay oo la qabsaday, iyo in aan deyn iyo denbi toona lagugu haysan.

Qaadashada fudud ee Dhalashada waddanka

Qaadashada la fududeeyay ee dhalashada waddanka waxay hoos tagtaa shuruudo sharci ah kuwaasoo u ogolaanayo Qofka ajnabiga ah ee qabo Qof Swiis dhalad ah ama qof Swiis dhalad ah iyo caruurta ay dhaleen waalidiin u dhashay Swiiserlaan. Dhalasho qaadashadan la fududeeyay waxaa go'aanka bixinteeda iska leh kaliya Dowlada Federaalka ah (Bund).