Barashada af Jarmalka

Koorsada af Jarmalka waxaad ka baran kartaa af Jarmal fiican. Waxaa jiro koorsooyin badan oo af Jarmal ah.

Koorsooyinka laheli karo

Waxaa Jiro Koorsooyin badan oo kaladawan oo af Jarmal ah. Tusaale ahaan:

  • Hadii aad haysato Caruur yaryar, waxaad booqan kartaa Koorso Caruurta laguugu dhex haynaayo.
  • Waxaa macquul ah inaadan wali baranin xarfaha laatiinka ama ay dhib kugu yihiin wax- akhriska iyo qorista. Hadaba waa inaad booqataa Koorsada lagu barto alifbeetada (Alphabetisierungskurs).

Halkan waxaad kahelaysaa xog kusaabsan koorsooyinka bannaan iyo qiimahooda:

  • Xarunta Waxbarashada dadka Waaweyn (Fachstelle Erwachsenenbildung)
  • Waaxda Ajaanibta (GGG Migration)


Heerarka luqadda

Sida ugu fiican ee qof ugu hadlo luqadda Jarmalka waxaa lagu cabiri karaa Qaabka guud ee yurub oo dhan ka midaysantahay "Gemeinsamen Europäischen Referenzrahmen" ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano GER. Heerka lagu cabirro luqadaha ee GER waxay leedahay 6 heer: A1, A2, B1, B2, C1 iyo C2. Hadii aad haysato shahaadada heerka A1 ama A2, waxaad ka dhisantahay aasaaska af Jarmalka. Hadii aad haysato heerarka C1 ama C2, meel aad u fog ayaad ka gaartay barashada afka.

  • Ma doonaysaa inaad Xirfad barato shahaadadeeda laga aqoonsanyahay wadanka Swiiserlaan? Haddaba waxaad u baahantahay Heerarka luqadda ee B1 ama B2.
  • Haddii aad doonayso inaad Barato Jaamacad, waxaad u baahantahay Heerka C1 iyo C2.

Maalgelinta Luqadda

Ma ku cusubtahay Basel mana haysataa sharciga B-da? Waxaad lagu siinayaa Jeeg aad ku baran karto Koorso af Jarmal ah. Waxaa laguu ogolyahay inaad ku barato 80 Cashir si bilaash ah. Jeegga waxaad ula tagi kartaa Iskuullada luqadaha lagu barto, ee uu Gobolka aqoonsanyahay. Jeeggan waxuu dhacayaa 12 bilood kadib maalinkii aad soo dagtay.

Ma doonaysaa casharadii bilaashka ahaa wax ka badan inaad dhigato? Hadaba waa in aad iskaa isaga bixiso. Koorsooyinka way ku kala duwan yihiin qiimaha. Waxaa kuu fiican inaad iskuullo badan soo fiiriso oo is barbardhigto midka kuu raqiisan. Gobolka Basel-Stadt Koorsooyinka qaar wuxuu ku caawiyaa kharashaad. Koorsooyinka noocaas ahna waxaad ku baran kartaa qiimo jaban.