Waalidnimada

Ma ahan mid fudud in caruur la koriyo. Waxaa macquul ah, marmar inaad is weydiiso waxa u fiican Ilmahaaga. Waalidiin kale inaad waydiiso ayaa aad kuu caawin karta. Sidoo kale waxaa jiro Xarumo kala duwan oo ku caawin kara.

Bar kulanka

Hooyooyinka iyo Aabeyaasha Barnaamijyo badan oo loogu talagalay ayaa jiro. Halkan hoose waxaad kaheli kartaa meelaha aad kula kulmi karto waalidiin kale ama aad kula qaadan karto waqti ilmahaada.

  • Naadiyada Dhallaanka (Krabbelgruppen) waxaa loogu tala galay ilmaha 2 sano kayar. Naadiyadan waxaad isku baran kartaan waalidiin kale.
  • Baashaalka Waalidka iyo Caruurta (MuKi-Turnen, VaKi-Turnen oder ElKi-Turnen) Waxaa loogu talagalay waalidiinta haysto caruurta yaryar. Waad isla ciyaari kartaan, waad iskula dhex ordi kartaan, waadna kuwada baashaali kartaan. Degmooyinka (Gemeinde) intooda badan waalaga helaa fursadahaan.
  • Bar kulanka Xaafadaha (Quartiertreffpunkte) waxay hayaan barnaamijyo kala duwan oo loogu talagalay Waalidiinta iyo Ilmahooda.
  • Maktabadaha buugaagta (Bibliotheken) iyo Maktabadaha alaabaha lagu ciyaarsiyo ilmaha (Ludotheken) waxay hayaan sidoo kale adeegyo loogu talagalay Caruurta yaryar iyo kuwa waaweyn.

Waxbarashada Waalidka

Basel-Stadt waxaa ka jira koorsooyin waalidiinta wax lagu baraayo, mowduucyo badan oo kala duwana ku saabsan. Sidoo kale waxaa jiro koorsoyin u gaar ah ajaanibta. Tusaale ahaan waxaa jiro Koorsoyin lagu baraayo waalidiinta nidaamka waxbarashada ee wadankan Swiiserlaan. Koorsoyinka qaar oo waxaa la helaa iyagoo ku baxa luuqado kale.

Talooyinka Barbaarinta Ubadka

Hadii aad qabto su'aalo ku saabsan barbaarinta ilmahaaga, waxaa jiro xarumo badan oo ku caawinaayo.
Tusaale ahaan, haddii ay kuu joogaan caruur aad u yar ama caruur ilaa 5 sano jir ah, waxaad u tagi kartaa lataliyaasha waalidiinta (Elternberatung).
Su'aalo degdeg ah haddii aad qabto waxaa jiro Taleefoon aad waci karto habeen iyo maalin. Khabiiro ayaa diyaar kuu ah oo kula talin doono. Haddii aad wacdo waxaad bixin doontaa qiimaha wicitaanka caadiga ah ee taleefanka guriga.

Kawac Talefon lambarka: 0848 35 45 55. Ama u qor i-Meeyl. Cinwaanka waxaad kaheli kartaa boggaan www.elternnotruf.ch.