Ceyrta

Ceyrta waxaa lagu caawiyaa dadka aanan haysan lacag kufilan oo ay ku noolaadaan ama waxba ama wax yar oo dhaqaale ah ka hela Ceymiska Bulshada. Ujeedka waa in dadka ay u suuro gasho inay awoodaan inay is bixin karaan. Tani ma ahan Ceymis balse waa caawin ka timid Dowlada.

Ceyrta

Ceyrta (Sozialhilfe) waxaa lagu caawiyaa dhammaan dadka ku nool Swiserlaan ee xaalad dhaqaalo xumi ku jiro. Waxay dabooshaa kaliya baahida ugu yar ee nolosha. Marka laga soo tago kaalmada dhaqaale sidoo kale waxay bixiyaan talooyin. Ujeedku waa in dadka sida ugu dhaqsaha badan u noqdaan dad dhaqaale ahaan isku filan. Ceyrta lama siiyo marka qof caawinkale oo dhaqaale misna ku filan inuu noloshiisa ku dabero uu helayo - sida tusaale ahaan Kaalmada Shaqo la'aanta, lacagta gunada, mushahar ama caawinaad uu kahelayo ehelkiisa. Sidoo kale Xafiiska Ceyrta ma bixiyaan deymaha. Lacagaha Ceyrta waa in dib loo bixiyaa, marka qofku dib u helo dhaqaale ku filan. Dhaqalaha Ceyrta waxaa maalgeliyo dadka canshuuraha bixiyo.

Dalbashada Ceyrta

Qofka rabo inuu dalbado Ceyr waa inuu la xiriiro Xafiiska adeega Bulshada (Sozialdienst) ee degmadiisa. Halkaas waa inuu qofka dakhligiisa iyo hantiisa si cad usoo bandhigo. Kadib waxaa lasoo kala cadeynayaa inuu xaq uleeyahay iyo inkale. Dowladu cadadka ay bixinayso iyo nooca caawintu qofka helaayo waxay u dejisaa qofba goonidiis. Qofka wax been ah sheega ama ka aamuso runta waxuu noqonayaa dambiile. Xafiiska Adeega Bulshada waxuu bixin karaa Ammaro ama kugu xiri karaa shuruudo. Hadii aad kasoo bixi weyso waxaa lagaa yareyn karaa dhaqaalihii lagu siinayay. Ka qayb galka ballamaha xafiiskan waa waajib. Waxa qofka waajib kasaaran inuu wax kasta oo ah siduu duruuftan uu ku jiro u yareyn lahaa sameeyo.