Qaaditaanka Qashinka

Qaaditaanka Qashinka waxaa u xilsaaran maamulka degmada. Sidaas darteed ayaa degmo kasto waxay leedahay sharci u gaar ah. Kala saarista Qashinka waxaa la siiyaa ahmiyad weyn waana sababta ay u jiraan goobo kala duwan oo lagu kala guro.

Kala saarista Qashinka / Dib u habaynta

Kala saarida qashinada waxay caawinaysaa qurxinta bii'ada aan ku noolnahay iyo keydka dhaqaalaha. Qashinka haleeya bii'ada ama dib loo isticmaali karo waxaa jira goobo gaar ah oo lagu ururiyo (Warqadaha, Batariyaasha, Dhalooyinka, Kaartoomada, Qashinka Cagaaran, Aluminiyumka, biraha, Dharka, Saliida iwm.). Dhammaan kuwan kuma jiraan Qashinada guryaha. Degmo kastaa waxay leedahay Jadwal qaaditaan (Entsorgungsplan) ama Taariikh qorka Qashinka (Abfallkalender), kaaso la isasiiyo marka la is diwaangelinayo. Sidoo kale halkaa waxaad ka heleysaa noocyada qashinka ee waqtiyada la ogolyahay in la tuuri iyo goobta lagu tuuri karo. Waa mamnuuc in lagubo qashinka ama lagu tuuro meelo aan loogu talagalin. Caagadaha (PET-Flaschen) iyo waxbyaabaha kale ee sajilan waxaa lagu tuuri karaa inta badan si bilaash ah goobaha wax lagu iibiyo oo dhan.

Bacaha Qashinka / Koollada Qashinka

Qashinka aan dib u habaynta lagu samayn karin ee guryaha Basel (Hausmüll) waa in lagu ridaa bacaha rasmiga ah ee qashinka kadibna la qaado. Degmooyinka Riehen iyo Bettingen waa in Bacda qashinka oo lagu sii dhajiyay Koollada Qashinka la isla qaado. Qiimaha Bacaha iyo Koollada Qashinka waxay ku jiraan qarashaadka qaaditaanka qashinka. Bacaha ama Koollada waxaa la iga iibsan karaa tusaale ahaan Goobaha ganacsiga iyo dukaamada degmada ama xafiiska degmada qudhiisa. Bacda Qashinka waa in maalin go'an oo kamid ah maalmaha usbuuca la dhigaa wadada (ama marmar aan badnayn la dhigo xarumo kale oo lagu uruuriyo). Lama ogola in maalin aan ahayn maalinta qashinka la qaadayo in lasoo dhigo qashinka. Guryaha ay ku noolyihiin qoysas fara badan waxaa jiro marmar Sanduuqyada qashinka u gaarka in lagu rido. Haddii aad su'aalo qabto Xafiiska Degmada aad ku nooshahay ama Deriskaada ayaa ku caawin doono.

Qashinada Gaarka ah

Qashinada gaarka ah (Sonderabfälle) waa in si gooni ah loo qaado maadama ay ku jiraan walxo sun ah ama waxyeelayn kara bii'ada aynu ku noolahay. Waxaa kamid ah tusaale ahaan, riinjiga, Kiimikada, Bateriga, waxyabaha korontada ku shaqeeya, Nalalka ama sidoo kale dawoyinka dhacay. Sinaba kuwan uguma jiraan kuwani qashinka guriga. Inta badan waxaa lagu tuuri karaa goobahii laga soo iibsaday. Soo saaraha iyo iibiyaha waxaa waajib kasaaran in si bilaash ah ay qashinkaan dib ula laabtaan.