Shaqo helitaan

Marka loo fiiriyo wadamada kale, Swiiserlaan dadka shaqo la'aanta ah waa kuwo yar. Hase yeeshee shuruudaha laga rabo dadka shaqo doonka ah waa kuwo badan. Shahaadooyinka waxey xambaarsanyihiin macno weyn. Inta ugu badan shaqooyinka shuruudaha ugu muhiimsan waa fahanka luqadda Jarmalka.

Heerka Aqoonta

Heerarka waxbarashada, shahaadooyinka iyo aqoon kororsiga ayaa Swiiserlaan shaqooyinka ugu badan lagu qiimeeyaa. Shahaadooyinka Dibada ma ahan kuwo marwaliba la aqoonsanyahay. Waxa aadka ugu muhiimsan shaqo raadinta waa Warbixinada ay kaa qoreen meelihii aad horay uga soo shaqeysay. Shaqooyinka badanaa waxaa la iska rabaa Fahanka Luqadda Jarmalka.

Helitaanka goob shaqo

Shaqooyinka bannaan waxaa laga helaa wargeysyada iyo boggag kala duwan oo internetka ah. Sidoo kale waxaa jiro Xafiisyo u gaar ah shaqooyinka. Xarumaha Gobolka ee Shaqada (RAV) waxay kaa caawin karaan shaqo raadinta. Waxaa yaalo goobahaas Kambuyuutaro iyo Wargeysyo, shaqaalaha goobtaasna waxay kaala talinayaan shaqo raadinta.

Codsiga Shaqada

Sida caadiga ah Shaqada waxaa lagu dalbada si qoraal ah, I-Meeyl ahaan ama onlineka. Codsiyada shaqada waa inay ka koobnaadaan ugu yaraan CV, warqadda Codsiga iyo hadii ay macquul tahay shahaadooyinka shaqada, ama waxbarashada. Hadii qofka aad codsiga shaqada u dirsatay daneynaayo codsigaada, waxuu kugu casuumi wareeysiga shaqada. Xafiisyo kala duwan ayaa si bilaash ah uga caawiyo dadka shaqo raadiska ah dalabka shaqooyinka.