Nidaamka Siyaasadda

Awoodda siyaasadeed ee wadanka Swiiserlaan waxaa loo qeybiyaa saddex heer: Heerka Federaalka (Bund), Gobollada (dowladaha hoose) - (Kantone) iyo Degmooyinka (Gemeinden). Shacabka Swiiserlaan waxay u codayn karaan arrimaha siyaasadda.

Dowladda Federaalka ee Swiiserlaan

Dowladda Federaalka ah ee Swiiserlaan waxay jirtay tan iyo 1848-dii. Caasimadda waddanka waa magaalada Bern. Swiiserlaan kama jirto hal qoowmiyad, hal luuqad ama hal diin oo isku mid ah. Dhaqamooyin kala duwan ayaa isu kaashaday si xor ah. Sidaas daraadeed, ayaa loo dhahaa "Qarannimo ku dhisan rabitaan" (Willensnation).

Federaalnimo

26-ka Gobol iyo in kabadan 2000 oo degmo ee Swiiserlaan waxay u madax bannaan yihiin siyaasadooda, waxaana la yiraahdaa "Federaalnimo". Gobol kasta iyo Degmo kasta waxa ay leedahay dhismo dowladeed oo ay gaar u leeyihiin. Gobolka Basel-Stadt waxa uu leeyahay Dastuurkiisa iyo Xukuumaddiisa uu gaarka u leeyahay, Baarlamaan iyo Maxkamado. Degmooyinka iyo Gobollada waxay mas'uul ka yihiin arrimo badan oo dowli ah. Sidaas daraadeed ayaa tusaale ahaan Nidaamka Waxbarashada Gobolkasta u maamulaa si ka duwan Gobollada kale. Xeerka Federaalka ee dalka wuxuu ka dhaqan galaa wadanka Swiiserlaan oo dhan. Sidoo kale, Gobollada waxa ay leeyihiin xeerar u gaar ah, kuwaasoo ka hirgalshan kaliya gobolka dhexdiisa. Degmooyinka iyagana sidoo kale waxay samaysan karaan xeerar ay gaar u leeyihiin. Si ay u gutaan waajibaadkooda, ayay dowladda federaalka (Bund), Dowladda hoose (Kantone) iyo Degmooyinka (Gemeinde) waxay qaadaan mid walba Canshuuraha.

Awwood Qaybsiga

Awoodda Siyaasadda ma ahan inay isugu soo ururto dad yar ama hay'ado yar. Sidaas daraadeed, awoodda dowladda ee Swiiserlan iyo Gobolladaba waxaa si madax bannaan loogu qaybiyay saddex awoodood: Awoodda Golaha Sharci dajinta, Golaha fulinta iyo Garsoorka.
Gobolka Basel-Stadt, hay'adaha hoos ku xusan ayaa u qaabilsan waajibaadkaas:

  • Sharci dajinta: Golaha sharci dajinta (Grosser Rat) oo 100 Xubnood ah, afartii sano mar ay shacabka gobolka soo doortaan.
  • Fulinta: Golaha Fulinta (Regierungsrat) oo 7 Xubnood ah, sidoo kale afartii sano mar ayay shacabka soo doortaan.
  • Garsoorka: Maxkamado kala duwan oo heer gobol ah (Gerichte)

Basel-Stadt waxaa jiro arrin u gaar ah: Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Maxkamadaha Gobolka Basel-Stadt ayaa isla mar ahaantaas waxay masuul kayihiin Caasimadda Gobolka ee Basel. Ladaba Degmoo kale, Riehen iyo Bettingen sidoo kale waxay leeyihiin Gole sharci dajin degmeed (Einwohnerrat) iyo Gole Fulin degmeed (Gemeinderat).

Heerka Federaalka, Sharci dajintuusu waxay leedahay labo Aqal: Aqalka sare iyo kan hoose (Nationalrat und Ständerat). Xukuumadda qaranka oo 7 xubnood ka kooban waxaa la isku yiraahdaa Golaha Federaalka (Bundesrat). Sidoo kale, heerka qaran wuxuu leeyahay maxkamado kala duwan. Go'aamada maxkamadaha Gobollada tusaale ahaan waxaa la keeni karaa Maxkamadda federaalka (Bundesgericht) maadaama ay tahay halka ugu sarayso.

Xuquuqda dimoqraadiyadda

Shacabka Swiiserlaan waxay xaq u leeyihiin inay codeeyaan iyo inay wax dooran karaan. Waxay dooran karaan hay'adaha siyaasadda ee heerka federaal, sidoo kale degmooyinkooda iyo gobolladooda. Waxay sidoo kale xaq u leeyihiin inay isa soo sharaxaan. Sidoo kale waxaa jiro codayn guud oo shacabka ay u codeyn karaan arrimaha siyaasadda. Sidaas ayay shacabka dhaladka ah go'aanno uga gaari karaan, heer degmo, heer gobol iyo heer Federaal, si dimuqraadiyad toosan ah (direkte Demokratie). Shacabka dhaladka ah sidoo kale waxay soo gudbin karaan fikrado u gaar ah siloogu codeeyo. Si ay u sameeyaan qaabkan waa inay bilaabaan mooshin. Bulshada ajaanibta ah ee degan gobolka Basel-Stadt looma ogola inay codkooda dhiibtaan iyo inay ka qayb galaan cod bixinta. Laakin waxay u qoran karaan dowlada codsiyo hadii ay haystaan caqabado la xiriira arrimo siyaasadeed. Sidoo kale waxay ku biiri karaan, Naadiyada, ururada iyo kooxaha.

Xuquuqda Aasaasiga ah

Dastuurka Federaalka (Bundesverfassung) waa halka ugu saraysa ee laga dheehan karo xeerarka Swiiserlaan. Qayb muhiim ah oo kamid dastuurka ayaa ah xuquuqda aasaasiga ah, oo ku saleysan Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub (EMRK). Waxay ilaaliyaan jiritaanka aadanaha, sida xuquuqda nolosha, ama xaq aad u leedahay in lagaa caawiyo xaalad addag. Sidoo kale waxay ka difaacayaan kuwa ay dowlad ama ururro u awood sheegteen. Waxay sidoo kale hubiyaan in qofna mid kale ku takoorin, halka uu kasoo jeedo, jinsiyadiisa, diintiisa, jinsigiisa ama kala saarista jinsigiisa. Dadka la takooro waxay ka heli karaan Gobolka Basel-Stadt caawinaad iyo talooyin bilaash ah. Wadankan Swiiserlaan waxaa ka jiro xorriyad diimeed, xorriyad fikirkaaga inad cabbirto ah, iyo xorriyadda warbaahinta.