Xuquuqda iyo Waajibaadka

Shaqaalaha iyo kan loo shaqaynayaba waxey leeyihiin xuquuq iyo waajibaad. Sida sharciga ku xusan waxaa kamid ah, Xiliyada shaqada, Xaqa fasaxyada aad u leedahay iyo Ceymisyada.

Qandaraaska Shaqada

Sida caadiga ah Qandaraasyada shaqada waxaa lagu kala sixiixdaa qaab qoraal ah. Laakin sidoo kale qandaraasyada afka lagu galo waa dhaqan galayaan. Xeerarka (Obligationenrecht) ayay ku xusanyihiin. Waxaa kuxusan halkaas waxyaabaha aasaasiga ah oo dhan. Sidoo kale dadka aanan haysan qandaraas qoraal ah waxay leeyihiin Xuquuq iyo waajibaadyo kala duwan.

Xaquuqda Shaqaalaha

Shaqaalaha wadanka Swiiserlaan waxey leeyihiin Xuquqo dharci ah oo kala duwan. Waxaa ugu muhiimsan kuwan hoos ku xusan:

  • Qofka loo shaqeynaayo waxaa waajib kasaaran inuu u diiwaangeliyo shaqaalihiisa Ceymiska Bulshada, oo u xareeyo Ceymiska Shilalka qeyb ka mid ah qarashaadka ceymisyadaasna uu ka bixiyo.
  • Dhammaan shaqaalaha waxey leeyihiin ugu yaraan sanadkiiba 4 usbuuc fasax ah oo lacagtooda usoconayso. Sidoo kale Xuquuqdan waxaa leh shaqaalaha ku shaqeeyo saacadaha ama halgelin shaqeeyo.
  • Saacadaha ugu badan ee la ogolyahay in la shaqeeyo usbuucii waa 50 saacadood. Shaqooyinka qaarna waa 45 saacadood kaliya.
  • Shaqaalaha waxay xaq u leeyihiin Shahaadada shaqada oo qoraal ah.
  • Qofkii xanuunsado ama shil galo oo wax ka badan 3 bilood ka shaqeynaayay shirkada, waxuu xaq u leeyihiin muddo cayimman in mushaharkiisa usii socdo.
  • Haweenka Uurka leh iyo Haweenka umusha ah waxay leeyihiin xuquuq gaar ah (Daryeelka Hooyada, Mutterschutz).
  • Sharciga sinaanshaha jinsiga (Gleichstellungsgesetz) wuxuu mamnuucayaa in shaqada dhexdeeda aan qofna nooca jinsigiisa lagu liidin.

Mushaharka

Gobolka Basel-Stadt waxaa jiro mushahar ay sharci tahay inaan wax ka hooseyo la bixin karin. Waxaa xaq u leh Mushaharkan dhamaan shaqaalaha Gobolka marka laga reebo kuwo yar. Sidoo kale shaqooyin badan ayaa leh Qandaraas Guud (Gesamtarbeitsvertrag, GAV) oo ku xusan Mushaharka ugu hooseye la siin karo shaqaalaha. Dumarka iyo Ragga waxay Xaq u leeyihiin Shaqo iyo Mushahar iskumid ah. Qandaraaska shaqada qiimaha mushaharka ee ku qoran waa qiimaha guud. Mushaharka la bixiyo laakin waa inta soo harto marka la iska gooyo waajibaadka Caymiska Bulshada ee loo yaqaano (Sozialabzüge). Inta badan dadka haysto Sharciga Dalku Jooga ah ee B, Sharciga F iyo N , Sharciga gaaban ee dalku Jooga ah L ama Sharciga la isaga gudbo Xuduudaha ee G waxaa sitoos ah mushaharkooda looga gooyaa Canshuurta Dakhliga ee loo yaqaano (Quellensteuer). Lacagaha Waajibka ah ee Ceymiska Caafimaadka ma ahan kuwa qayb ka ah kuwaa laga gooyo Mushaharaadka Swiiserlaan.

Shaqo Joojin

Shaqaalaha iyo Kan loo shaqaynaya waa inay ilaaliyaal mudada shaqada la isaga joojin karo ee ku xusan Qandaraaska Shaqada. Shaqo joojinta degdega ah waxaa la ogolyahay kaliya wax daran hadii ay dhacaan. Marwalbo waala ogolyahay inaa dalbato sababta shaqada lagaaga joojiyay oo qoraal ah. Qofka Xanuunsan, Qofka Shil galay, Hooyada Uurka leh ama Umusha ku jirto si gaar ah ayaa looga dhowray in shaqada laga istaajiyo. Shaqo joojinta aan sharciga ku dhisneyn waxaa lala tiigsan karaa Maxkamadda. Hadii Qofka Shaqaalaha ah isagu dalbado in laga joojiyo shaqada, waxay saameyn ku yeelan kartaa qiimaha lacagaha lagu caawiyo dadka shaqo la'aanta ah ee uu xaqa u lahaa.