Dhaqaalaha Cuuryaamiinta

Qofka xanuun dartiis muddo dheer qayb ama si buuxdo u shaqeyn karin waxuu shuruudo kadib xaq u yeelanayaa kaalmo dhaqaale oo uu ka helayo Ceymiska Cuuryaaminta (IV). Ceymiskan ma bixiyo lacag kaliya. Waxuu inta badan sidoo kale ka caawiyaa dadka ku jiro, sidii ay u gali lahaayeen amaba dib ugu laaban lahaayeen suuqa shaqada.

Ceymiska Cuuryaminta

Ceymiska Cuuryaanka (IV) waa mid dowli ah. Dadka qaangaarka ah badidood waa inay shubaan lacagahan. Lacagahan waxaa laga jaraa si toos ah mushaharaadka dadka shaqeeyo, kuwa loo shaqeeyana waxay bixiyaan nus kamid ah lacagahan. Dadka iskood u shaqeysta sida ganacsatada ama dadka aanan shaqeyn waa inay weydiiyaan hay'ada ururiso dhaqalahan (Ausgleichskasse) sidii ay ku bixin lahaayeen.

Caawinaada laga helo Ceymiska Curyaaminta

Waxa xaq u leh Ceymiskaan dadka ugu yaraan hal sano caafimaad darro awgeed (Maskax ahaan ama Jir ahaan) qayb ama si buuxdo u shaqeyn kari waayay. Ceymiskan waxuu bilwalbo u bixiyaa dhaqaalaha caawinta qaab gunno ah. Laakin waa marka qofka ku jiro caymiska xanuunada haayo darteed uu dib ugu laaban karin suuqa shaqada. Ceymiskan waxuu caawiyaa dadka cuuryaaminta ah si ay u helaan shaqo u qalanto oo ay kabixi karaan. Caawinada laga helo ceymiskan waa in laga codsadaa hay'adda ururiso dhaqalahan (Ausgleichskasse).

Dhaqaalaha dheeriga ah

Dadka marka laga soo tago dhaqaalaha kasoo gala Ceymiska Cuuryaaminta aanan haysan dhaqaale ku filan oo ay ku nooladaan waxaa jiro dhaqaale dheeri ah oo shuruudo ku xiran oo lagu kabayo lacagaha soo galo (Ergänzungsleistungen). Lacagahan waa inay ka codsadaan Hay'adda Dhaqalaha Bulshada. Waxay u dhigantahay si cad qofka xaqqa u leh qaadashada dhaqaalahan. Dhaqalaha dheeriga ah waxaa maalgeliyo dadka canshuuraha bixiyo.