Furaha Suuqa Shaqada

Waxay ku xirantahay wadanka aad kasoo jeedo ama sababta aad u timid wadankan Swiiserlaan, inaad halkan ka shaqeeysan karto ama aad Ganacsi ka furan karto. Si kastaba ha noqotee waa in Shaqaale walbo uu ka diiwangishan yahay Ceymiska Bulshada bixiyana Canshuuraha.

Ogolaanshaha Shaqada

Su'aalaha ku saabsan ogolaanshaha shaqada waxaa wada jir loogu bayaaniyaa qaadashada Ogolaanshaha Dalku Jooga. Sida caadiga ah dadka haysto ogolaansho ay ku joogaan Wadanka Swiiserlaan, wey shaqeysan karaan. Hadba wadanka aad ka soo jeedid iyo muddada shaqada aad haysato ayaad ku dalbanaysaa Ogolaanshiyaha. Hadii aadan hubin waxaa kaa caawin doono xarumaha aan xusi doono. Xarumahan waxay wacyigeliyaan sidoo kale dadka dibadda ku nool ee doonaya inay ka shaqaystaan Swiiserlaan. Dadka sida rasmiga ah loo siiyay magangelyada Qaxootinimada (Sharciga B) amaba dadka sida kumeel gaarka ah loo siiyay magangelyada Qaxootinimada ama Bini'aadanimada ee haysta (Sharciga F) uma baahna ogolaansho shaqo oo gaar ah. Laakin shaqo kasto oo ay helaan ama kasoo tagaan waa inay foom rasmi ah kula socodsiiyaan Gobolka ay ku taalo goobtooda shaqada (Meldeverfahren). Buuxinta Foomka noocan ah waa bilaash. Magangelyo doonka aan wali la qaabilin ee haysta (Sharciga N) waxay u baahanyihiin ogolaansho ay ku shaqaystaan.

Shirkad ku gaar ah

In aad furan karto goob ganacsi oo kuu gaar ah waxey ku xirantahay wadanka aad kasoo jeedo iyo Nooca Sharciga aad wadanka ku joogto. Daka kasoo jeedo wadamada Yurub EU/EFTA iyo dadka haysto Sharciga Dalku Jooga C, sahal ayay u tahay inay furtaan goob ganacsi. Ha'adda Socdaalka (Migrationsamt) ayaa macluumaadyo kusiinayso, hadii furashada goob ganacsi ay tahay macquul iyo inkale. Laanta horumarinta goobaha (Standortförderung) waxay kaa caawinaysaa qaabkii aad howshaas u bilaabi lahayd.

Shaqooyinka Suuqa Madoow

Qof shaqeeya oo aan kadiiwaangishaneyn Ceymisyada Bulshada, aanan heysan ogolaanshaha shaqada ama aan dakhliga soo galo wax Canshuur ah kadhiibin, waa dambiile. Qaabkan Suuqa madoow (Schwarzarbeit) waxay cawaaqib xumo sharci ah ku yeelanaysaa , qofka loogu shaqeeyo ama ka shaqeeysto. Sidoo kale dadka ka shaqeeyo shaqooyinka noocan ah kuma jiraan Ceymiska Shilalka mana helayaan keydka Howlgabka. Qofkii aaminsan in qofka uu u shaqeeyo si sax ah u shaqaaleysiin, waxaa habboon inuu la xiriiro Xarumaha Garyaqaanada (Rechtsberatungsstelle) ee bilaashka ah.

Dhalinyarada

Caadiyan waaloo ogolyahay inay shaqeeyaan da'yarta ka weeyn 15 sano. Laakin Shaqooyin fudud oo dhib yar sida shaqooyinka fasaxyada (Ferienjobs) ayaa loo ogolyahay. Waalidka iyo Qofka loo shaqeynaayo waa inay ka fiirsadaan in da'yarta aan culeeys la saarin. Da'yarta ka yar 18 sano waxaa jiro xeerar shaqo oo gaar ah oo lagu dhaqmo.