Telefishinka / Interneetka / Telefoonka

Adeegga Interneetka, Teleefonka iyo Telefishinka xarkaga leh waxaa jiro shirkado kala duwan oo bixiyo. Adeegyada qeybo kamid ah waxay ku xirantahay hadba halka aad degantahay. Qiyaastii dhammaan dadka ku nool wadanka oo dhan waxaa waajib ku ah bixinta adeegga idaacadaha iyo Telefishinka.

Qarashaadka Idaacadaha- iyo Telefishinka

Asal ahaan Dhammaan dadka ku nool Swiserlaan waa inay bixiyaan qarashaadka radiyaha iyo telefishinka (Radio- und Fernsehgebühren) ee kamadax bannaan haysashada qalabkas. Qarashaadkan sharciga ah waxaa lagu caawiyaa Telefishinka iyo radiyaha qaranka (SRG SSR) iyo waliba xarumaha idaacadaha iyo telefishinada gaarka loo leeyahay. Ururinta lacagahan waxaa ku shaqo leh shirkada la yiraahdo Serafe. Lacagaha waxaa la ururiyaa sanad walba. Dadka qaata Dhaqaalaha dheeriga ah waxay awoodaan in aan laga qaadin lacagahan.

Telefoonka, Interneetka, Telefishinka

Adeegga Interneetka, Teleefonka iyo Telefishinka xarkaha leh waxaa jiro shirkado kala duwan oo bixiyo. Kuwa qaar waxay ka howl galaan gobolo gaar ah. Waxay ku xirantahay hadba halka aad ku nooshahay iyo marka qaar adeega aad doonaysid inaad isticmaasho. Isbarbardhig in la sameeyo waa wax fiican sababtoo ah qiimaha adeegyada way kala duwan yihiin. Qadka Interneetka guryaha caadi ahaan waa kuwo xawaarahoodu aad u dheereeyo. Baraha Interneetka lagu kireeyo waa kuwo aad u yar sababtoo ah guri qiyaastii guri walbo waxaa ugu xiriirsan Qad interneet ah.