Xaquuqda deganaashaha

Waa muhiim inaad hesho talo gaar ah! Kala hadlida qof hay'ada taageerada siisa dhibanaha (Opferhilfe) ma keeneyso inuu qofku waayo xaquuqdiisa deganaashaha. Wada sheekeysigu waa qarsoodi. Hay'ada taageerada siisa dhibanaha (Opferhilfe) qofna uma sheegto waxa loo sheegay.

Xaquuqda deganaanshaha haddii lammaanuhu ukala tagaan sababo la xariira rabshadaha qoyska

Haddii qofku yahay mid ku guursaday Swiserlaan uuna la kulmo rabshad qoys, qofkaan wuu sii joogi karaa Swiserlaan hadba xaaladiisa siday tahay xataa haddii ay kala tagaan lamaanihiis. Xaalad kasta mida kale way ka duwan tahay. Taasina waa sababta raadsashada talo ay muhiim u tahay.

Xarumaha talooyinka dhibanaha (Opferhilfe) waxay kaa caawin karaan: Khabiir ayaa sharaxaaya xaalada sharci ee hadda wuxuuna dhibanaha ka caawinaya talaaboyinka xiga. Taladu waa bilaash waana qarsoodi. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan.

Diiwaangelinta rabshada

Waa muhiim in qofku haysto caddeyn muujinaysa Xadgudubka soo gaaray. Tusaale ahaan: sawirada dhaawacyada, sawirada hanjabaada ama xadgudubka ka dhaca WhatsApp ka, Facebookga, iwm. Caddeymaha waa in lagu kaydiyo meel ammaan ah. Tusaale ahaan, guriga saaxiib ama goobta shaqada.

Sidoo kale waa wax wanaagsan in lala socodsiiyo arrinta dadka u dhaw meesha xadgudubku dhacay. Tusaale ahaan, qof katirsan saaxibadaada kuu dhow, saaxiibada shaqada, dariska ama dugsiga.