Uurka / Dhalmada

Haweenka uurka leh kuma qasbana baaritaanada muhiimka ah inay iyaga iska bixiyaan. Sidoo kale kharashaadka dhalmada waxaa la wareego Ceymiska caafimadka ee guud. Dhalmada kahor iyo kadib waxay waalidka heli karaan talooyin bilaash ah.

Adeegyada uurka iyo dhalmada

Adeegyada Caafimaad ee la xiriira Uurka ama dhalmada waxaa kharashkooda qaba Ceymiska Caafimaadka (Grundversicherung). Adeegyadan waxaa ku jiro baaritaanada Dhalmada kahor ee joogtada ah, dhalmada qudheeda iyo waxii kadambeeyo oo daryeel ah. Haweenka uurka leh waa in waqti hore ay u tagaan dhaqar, dhaqtarad ama umuliso. Isbitaalada iyo umulisooyinka waxay bixiyaan sidoo kale Koorsoyinka diyaar garoowga dhalmada (Geburtsvorbereitungskurse). Waxaa jiro koorsooyin qaas u ah dadka ajaanibta ah. Waxaa lagu dhali karaa isbitaal, goobaha lagu dhalo ama guryaha.

Dhalmada kadib

Swiserlaan waa wax caadi ah in lala taliyo waalidka dhalmada kadib. Sidaas darteed Waxaa jiro Xarumaha latalinta waalidka (Elternberatungsstelle). Waxay kusiinayaan wacyigelin kusaabsan, koriinka, nafaqaynta iyo daryeelka dhallaanka. Talobixintan waa bilaash. Hadii loo baahdo baaritaano kale oo lagu samaynay Hooyada iyo dhallaanka waxaa soo sheegi doono dhaqtarka, dhaqtarada ama umulisada. Waxaa aad u muhiim ah in ugu dambayn 3 bilood jir markuu gaaro dhalaanka loo sameeyo Ceymiska Caafimaadka iyo Ceymiska Shilalka. Waxaa ugu fiican in loo sii sameeyo inta ubadku dhalan kahor.

Tallaalka

Waa la isku dhiirigeliyaa in caruurta laga talaalo waqti fiican xanuunada qaar. Laakin tallaalka ma ahan mid waajib ah. Talaalada lagu taliyay caadi ahaan waxaa bixiyo Ceymiska Caafimaadka. Dhaqtarka caruurta ama Xarunta latalinta waalidka ayaad kahelaysaa xog kusaabsan Talaalka.

Ilmo iska soo rididda

Wadanka Swiserlaan waala ogolyahay 3-da bilood ee ugu horaysa uurka in ilmaha la iska xaaqo. Dhammaadka usbuuca 12-aad ee uurka waxaa macquul ah kaliya in la iska soo ridi karo hadii ay hooyadu caafimaad jir ahaan ama maskaxeed ay halis ugu jirto. Taasina waxaa cadeyn karo kaliya dhaqtarka. Qofkii ku fikiro inuu iska soo daadiyo ilmaha waxuu xaq uleeyahay talooyin bilaash ah. Haweenka ka yar 16 sano waa inay u tagaan xarun latalin oo ay joogaan dad taqasus u leh. Kharashaadka ku baxayo dhammaan adeegyadan caafimaad waxaa bixinayo Ceymiska Caafimaadka.