Khilaafyada

Khilaaf iyo muran miyaa ka dhex taagan Lamaanahaada ama Reerkaada? Hadaba waxaa ku caawinayo xarumo latalin oo kala duwan. Rabshadaha qoyska ee u dhaxeeya lamaanaha waa mamnuuc. Boggeena "Hallo Basel-Stadt" waxaa jiro qeyb dhan oo aan kaga hadlayno Rabshadaha Qoyska. Halkaas ayaad ka helaysaa macluumad dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan.

Khilaafyada Lammaanaha

Haddii aad dhib ku qabto lammaanahada, waxaad caawimaad ka heli kartaa khabiirada talada siiya reeraha is qaba (Eheberatung). Waxaa jiro xarumo talo bixin oo gaar u ah arrimahaas kulana raadin doono xal. Inta badan kulanka koowaad waa bilaash ama waxaad iska bixinaysaa lacag yar.

Khilaafka Qoyska

Marka ay Caruur kuu joogto marmar waxaa dhici karto xaalado adag inay idin dhex maraan. Ilmaha iyo waalidkaba culeys ayay ku noqon kartaa arinkan. Wax aad sameyso hadii aad garan weyso waxaa fiican inaad raadsato caawimaad.

Caawinta Waalidka:

  • Xarunta latalinta qoyska (Familienberatungsstelle) waxaad ka helaysaa latalin gaar ah.
  • Hadii aad qabto su'aalo kusaabsan barbaarinta ubadka ama aad ka walwalsantahay ilmahaada, waxaad wici kartaa lambarka xaaladaha degdega ah ee waalidka "Elternnotruf". Halkaan waxaad ka helaysaa latalin ay diyaar kuula yihiin khabiiro. Waxaad wici kartaa Lambarka Telefoonka 0848 35 45 55 (Waxaad bixinaysaa qiimaha caadiga ah ee Telefonka guriga) ama waxaad u qori kartaa I-meeyl.

Caawinta dhalinyarada iyo Carruurta:

  • Dhalinyarada iyo Carruurta waxay wici karaan lambarka xaaladaha degdega ah "Kindernotruf", ama waxay diri karaan ama kula sheekeysan karaan I-meeyl ama fariin qoraal. Lambarka Telefoonka waa: 147 (wicitaanka lambarkaan waa bilaash).

Rabshadaha Qoyska

Rabshadaha Qoyska ka dhex dhaco waa dambi cad waana mamnuuc. Qofkii Xoog adeegsado waxuu noqonayaa dambiile. Qaab walbo oo xoog la isu maquunsado waa mamnuuc. Qofna xoog uma adeegsan karo Qoyskiisa: ha noqoto Ninka ama Xaaskiisa, Waalidka iyo caruurta. Hadii ay Dowladu ka warhesho arrimaha noocan oo kale ah waa in ay tallaabo ka qaado.

Mala dhibantahay rabshadaha Qoyska? Waxaa jiro adeegyo ku caawin kara. Adeegyadan waa kuwa bilaash iyo qarsoodi ah.

  • Guriga Haweenka / Guriga Aabeyaasha (Frauenhaus / Väterhaus): Marka Dumarka ama Ragga ay Rabshado kala kulmaan guryahooda, waxay intii muddo ah joogi karaan, Guriga Haweenka "Frauenhaus" ama Guriga Aabeyaasha "Väterhaus". Caruurtooda ayay horay usoo kaxaysan karaan si ay u helaan gabbaad. Haweenka waxay wici karaan habeen iyo maalin guriga Haweenka. Lambarka Taleefankana waa: 061 681 66 33.
  • Lambarka xaaladaha degdega ah ee Caruurta (Kindernotruf): Caruurta iyo dhalinyarada waxay wici karaan lambarka caawimaada laga helo. Wicitaanka lambarkan waa bilaash. Lambarka waa: 147.
  • Halis ma ugu jirtaa qof ka mid ah Qoyskaada? Waxaad wacdaa lambarka booliiska. Lambarka Telefonka waa: 117. Booliska waxuu ka mamnuuci karaa dhagarqabahaas guriga oo dhan. Dhagar qabaha markaas waxii ka dambeeyo sooma gali karo guriga.

Boggeena "Hallo Basel-Stadt" waxaa jiro qeyb dhan oo aan kaga hadlayno Rabshadaha Qoyska. Halkaas ayaad ka helaysaa macluumad dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan.