Tacliinta / Dugsiyada Sare

Dugsiyada Qasabka ah marka ay soo dhameeyaan, Dhalinyarada inta badan waxay bilaabaan Xirfadbarasho. Haddii aad doonayso inaad wax ka barato Jaamacadaha waxaad u baahantahay Shahaadada diyaarinta Tacliinta Sare. Waxaa loo yaqaan Shahaadadaas "Maturität" waxaadna ku samayn kartaa dugsiyada Sare ama inta aad ku guda jirto barashada Xirfada.

Muhiimada Xirfad aqooneedka

Inaad Barato Xirfad aqooneed fiican iyo inaad yeelato Xirfad wanaagsan aad ayay muhiim u tahay wadankan Swiiserlaan. Dadaalkaada haduu wanaagsanyahay xiliga Iskuulka xirfado wanaagsan inaad barato ayaad u heli doontaa fursado. Marka aad dhameeyso Dugsiga Qasabka ah waxaad helaysaa fursado kala duwan oo aad isugu diyaarin karto dunida xirfadaha (Sekundarstufe ll). Aqoonkasto oo aad kororsato waxay kaaga dhigaysaa fudeyd helitaanka shaqo wanaagsan.

Ma qabtaa Su'aalo ku saabsan Xirfad Aqooneedka iyo Aqoon kororsiga? La taliyaasha dhinaca waxbarashada, xirfadaha iyo wadada loo maro (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung) ayaa jawaabo waafi ah kusiin doono. Talo bixintan waa mid bilaash ah

Barashada Xirfadaha Aasaasiga ah

Inta badan Dhalinyarada waxay sameyaan marka ay dhameeyaan Iskuullada waajibka ah kadib, Xirfad barashada aasaasiga ah (Berufslehre). Xirfad barashada noocan ah waxaad ka shaqeynaysaa Shirkad. Halkaas waxaad ku tababaranaysaa Howlihii xirfada looga baahnaa. Dhinaca kale waxaad aadi doontaa Dugsiga farsamada. Waxaa jiro in kabadan 250 Farsamo ama xirfado oo aad shahaado ka qaadan karto. Barashada noocan ah waxay socotaa inta u dhaxeyso 2 ilaa 4 sanadood. Labada sano ee ugu dambeeya Iskuulka waa inaad iskaa u raadsato Shirkad aad ku sameyso tababarka. Iskuulka wuu kugu caawin doonaa raadinta shirkadaha. Sidoo kale waa inay kula raadiyaan waalidka. La taliyaasha dhinaca Xirfadaha, aqoonta iyo nolosha (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung) waxay leeyihiin sido kale adeegyo iyo talobixin ay ugu talogaleen dhalinyarada. Talobixinta noocan ah waa bilaash. Sidoo kale waxaad diyaarin kartaa Shahaadada qubuulka Tacliinta sare ee (Berufsmaturität) inta aad ku jirto Xirfad barashada amaba kadib si aad wax uga baran karto jaamacadaha dalka.

Dugsiga Sare

Dugsiyada sare (Mittelschulen) waxaa la isugu diyaariyaa Waxbarashada Heerarka Sare ee Dugsiyada Farsamada ama Jaamacadaha (Fachhochschule). Ardayda waxay ku bartaan dugsiyadaan aqoon guud oo ballaaran.

Waxaa jiro dugsiyo sare oo kala duwan:

  • Waxaa jiro Dugsiyada sare ee diyaar garowga jaamacadaha (Mittelschulen mit gymnasialer Maturität): Markaad dhameyso dugsigaan waxad geli kartaa Jaamacadaha ama Dugsiyada sare ee Farsamada.
  • Dugsiyada sare ee leh shahaadada Fachmaturität oder Berufsmaturität. Marka aad dhameyso dugsigaan waxaad u gudbi kartaa Dugsiyada sare ee farsamada. Sidoo kale waad usii gudbi kartaa Jaamacadaha laakin waa inaad ku baastaa imtaxaanka lagu galo. Marmarna qaarna waxaa jiro shuruudo dheeraad ah oo la isku xiro.

Barmaajika isudiyaarinta suuqa shaqada

Waxaad tahay 18 ilaa 25 sano jir, waxaadna Gobolka Basel-Stadt soo dagtay kaddib waqtigii iskuullada qasabka ah in la booqdo ahayd. Waxaad hadaba ka qayb qaadan kartaa midka mid ah barnaamijyada ay hayaan xarunta diyaarinta suuqa shaqada (Brückenangebote, ZBA). Waxay kaa caawinaysaa inaad bilow iyo fikir fiican aad kahesho suuqa shaqada. Barnaamijkaan waxuu ka caawinayaa inay kula raadiyaan shirkad aad wax ku barato ama aad tababar ku sameyso. Haddii aad daneyneyso iska diiwaangeli xarunta (Zentrum für Brückenangebote).