Xilliyada Firaaqada

Basel-Stadt waxaa ka jiro fursado iyo waxyaabo badan oo xiiso leh oo la sameyn karo xilliyada fasaxa. Waxaa si gaar ah loo xusi karaa Kooxo lagu biiri karo oo leh muhiimad gaar ah, halkaas oo aad isku baran kartaan dad cusub misna aad wax wada qabsan kartaan.

Kooxaha

Shacab badan oo reer Basel ah ayaa xubno ka ah Kooxo (Verein). Waxaa jiro Kooxo lagu biiri karo oo wax yaabo kala duwan qabta, sida Kooxaha ciyaaraha ama kuwa dhaqanka. Haddii aad ku biirto koox, waxaad isku baran kartaan dadkale. Kooxaha inta badan waa kuwa u furan dadka oo dhan laguna biiri karo.

Fursadaha Dhalinyarada

Dhalinyarada waxay ay xilliyadooda firaaqada heli karaan fursado badan oo ay kaga faaideysan karaan inay qabtaan ama bartaan waxyaabo ay jecelyihiin. Waxay ka qayb gali karaan mashruuc misna ku biirin karaan fikradahooda. Khubaro ayaa garab taagan oo ka warqabo dhalinyarada (Jugendarbeit). Sida caadiga ah fursadahaan waa kuwo bilaash ah.

Safarrada gaaban ee dalxiiska iyo Dhaqanka

Gobolka Basel-Stadt waxaad gali kartaa safarro gaaban oo dalxiis misna booqan kartaa Munaasabadaha dhaqanka. Dad badan ayaa u dabaal tago xilliga xagaayaha webiga Rhein ama ku leersan karaan cunto fududna ku karsan karaan dhulalka banaan ee doogga cagaaran leh ee loogu tala galay in lagu nasto. Qoysaska waxay jecelyihiin inay booqdaan xerada xayawaanaadka (Zoo Basel). Hareeraha magaalada waxaa ku yaalo meelo aad u qurux badan oo lagu lugobaxsan karo ama lagu wadi karo baaskiilada. Magaaloyinka jarmalka sida "Freiburg im Breisgau" ama "Strassburg" waxaa si dhaqso ah ugu tagi kartaa Tareenka. Xarunta Basel Tourismus waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan safarrada dalxiiska gaaban ah ee aad samayn karto iyo xafladaha aad booqan karto.

Bar kulanka dadka Xaafadda deggan

Goobaha dadka xaafadda deggan isugu yimaadaan (Quartiertreffpunkte) waxay u furanyihiin dadka oo dhan. Waxay hayaan fursado loogu talagalay Qoysaska, duqooshinka iyo dadka luqadda jarmalka aan sidaas usii garanaynin. Meelaha qaar ee lagu kulmo waa xarumaha Qoysaska. Halkaas waa meel ay isugu yimaadaan oo ufuran waalidiinta iyo caruurtooda. Goobaha dadka xaafadda isugu yimaadaan waxaad kaheli kartaa talooyin iyo taageero ku saabsan nolol maalmeedka. Goobaha ay dadka xaafadda ku kulmaan waxaad ka ijaaran kartaa Qolal aad ku qabsan karto xafladaha qoyska ama waxii lamid ah.

Shaqooyinka iskaa wax u qabsiga ah

Shaqooyinka Iskaa wax u qabsiga ah (Freiwilligenarbeit) waxaad ku caawinaysaa dadka kula nool iyo deegaanka. "Freiwillig"ama "Iskaa wax u qabso" micnaheeda, waa inaadan wax mushahar ah ku qaadanaynin shaqadaas. Dadka mutadawaciinta ah ee iskood wax u qabsada wadanka Swiiserlaan waxay qabtaan shaqooyin badan, qaasatan kuwa Kooxaha. Ma daneynaysaa Shaqooyinka Iskaa wax u qabsiga? Waxaad abuuri kartaa hal Koox (Verein) oo waxyaabo badan qabatada, tusaale ahaan dhaqanka, Ciyaaraha, arrimaha
Bulshada, Waxbarashada, Daryeelka Xayawaanaadka, Daryeelka Deegaanka ama Caafimaadka.

Warbixinno ku saabsan kuwa qabta shaqooyinka qeybaha soogalootiga iyo qaxootiyada:

  • Xafiiska qaabilsan shaqooyinka Iskaa wax u qabsiga ee GGG Benevol
  • Hay'adda laan qayrta cas ee Basel-Stadt (SRK)
  • Kaaritaaska labada Basel

Warbixinno ku saabsan kuwa qabta shaqooyinka qeybaha soogalootiga iyo qaxootiyada:

  • Xafiiska iskudubaridka shaqooyinka iskaa wax u qabsiga ee laamaha Magangalya doonka (KOFF)
  • Hay'adda Kaalmada Qaxootiga (Schweizerische Flüchtlingshilfe)

Qiimo dhimmista Munaasabadaha Ciyaaraha iyo Dhaqanka

Kaarka loo yaqaanno "KulturLegi" waxaa loogu tala galay, dadka aanan haysan Lacag badan. Hadii aad haysato kaarka KulturLegi, waxaad helaysaa qiimo dhimis, munaasabadaha Ciyaaraha, dhaqanka iyo waxbarashada. Kaarka KulturLegi waxaad ka dalban kartaa Kaaritaaska (Caritas). Kaaritaaska waxay hubinaysaa in lagu siinayo iyo inkale. Sidoo kale waxaa jiro, kaarar qoysaska loogu talo galay oo la yiraahdo Kaararka qoysaska (Familienpass) iyo (FamilienpassPlus). Labadaan kaar waxaa loogu talagalay Qoysaska deggan Waqooyiga Galbeed ee Swiiserlaan. Carruurta, dhalinyarradda iyo dhallinyarada qaangaarada ah waxaa iyana jirto qiimo dhimisyo iyo waxyaabo bilaash ay ku heli karayaan, tusaale ahaan kaarka "colourkey" ama Kan Fasaxyada (Ferienpass). Hadii aad haysato Kaarka KulturLegi, Kaarka Qoysaska ama midka colorkey, intaba waxaad ku iibsan kartaa waxyaabo badan oo qiimo jaban. faahfaahinno dheeraad ah waxaad ka heli karaysaa Internetka.