Waalidiinta iyo Qoyska

Swiserlaan Qofkii haysto Caruur waxaa laga caawiyaa kharashaadka ilmaha iyo waxbarashadooda. Haweenka shaqeeya marka ay dhalaan waxay xaq u leeyihiin ugu yaraan 14 usbuuc oo fasax ah musharkooduna usocdo.

Taakulaynta Hooyada

Haweenka shaqeeya marka ay dhalaan waxay xaq u leeyihiin inta badan ugu yaraan 14 usbuuc oo fasax ah musharkooduna usocdo (Mutterschaftsurlaub). Mudadan inta lagu jiro waxay helayaan boqolkiiba 80 mushaharkii ay ku shaqeyn jireen. Haweenka aan shaqeynin ama aan awoodin inay shaqeeyaan waxaa la gudboon inay la xiriiraan Hay'adda ururisa dhaqaalaha Ceymiska bulshada si ay u ogaadaan inay xaq u leeyihiin iyo inkale. Waxaa jiro sharciyo gaar ah oo lagu ilaaliyo hooyoyinka, 8-da usbuuc ee ugu horeysa marka ay dhalaan kadib looma ogola inay shaqeeyaan (Mutterschutz)

Fasaxa Aabaha

Aabeyaalka waxay xaq u leeyihiin marka ilmhahooda dhashaan kadib 2 usbuuc fasax ah oo mushaharkooduna usocdo (Vaterschaftsurlaub). Marka la isku eego Fasaxa hooyada iyo aabaha: Aabaha fasaxiisu waxuu u qaadan karaa hal mar ama maalmo kala gooni ah. Waxaase qasab ah inuu qaato fasaxiisa oo dhan 6 bilood gudahood dhalashada ilmahisa kadib.

Kaalmada Qoyska

Qofkii haysta ilmo waxaa lagu caawiyaa dhaqaale (Familienzulagen). Ilmaha lagu caawiyo qoyska waa kuwa ka yar da'da 16 sano halka dhalinyarada ku jirto waxbarashada ee ka yar 25 sano lagu caawiyo kaalmada waxbarashada. Waxaa intaanba xaq uleh waalidiinta shaqeeya (sidoo kale kuwa iskood u shaqeysta), ama waalidiinta aanan shaqayn oo aan haysan dhaqaale ku filan. Shaqaalaha waxaa kaalmada qoyska loosoo raaciyaa bilwalba mushaharaadkooda. Xog dheeraad ah oo kusaabsan kaalmada qoyska waxaa kula wadaagayo maamulka meesha aad ka shaqeyso ama Xarunta Ceymiska bulshada. Cadadka Kaalmada qoyska la siiyo wey kukala duwanyihiin gobollada.