Baaskiil / Lug

Waddooyin aad u qaabeysan oo u gaar baaskiilada ayaa Gobolka Basel-Stadt waditaanka Baaskiilka ka dhigaayo mid aad u fiican. Shaqaale badan ayaa ku tago goobahooda shaqada Baaskiil. Dadka lugta kusocda iyo kuwa luga baxsanaya waxaa iyana sidoo kale loo sameeyay goobo u gaar ah oo ay kusocon karaan.

Kusocoshada Lug ama Baaskiil

Basel-Stadt isticmaalka lugta iyo baaskiilada waa mid xiiso leh inta badana aamin ah. Masaafoyinka gaaban dad badan oo baabuur leh ayaan u isticmaalin gaari. Meelo badan oo waxaa jiro calaamadaha baaskiilka iyo wadooyinka baaskilka leh. Dadka lugeynaayo meelaha u gaarka dadku inay maraan, iyagaa mar walbo u xaqleh wadada (marka laga reebo wadooyinka samaafaraha leh). Gobolka Basel-Stadt waxay leedahay meelo quruxbadan oo loogu tala galay in lagu socdo ama lagu lugabaxsado marka qofka fasaxa yahay. Goobaha lugta kaliya lagumaro waxaa ku yaalo boorar jaallo ah oo ku tilmaamayo.

Sharciyada dadka isticmaala Baaskilka

Inaad kusocoto Baaskiil wadanka Swiserlaan uma baahnid Shati gooni ah iyo waliba imtixaan inaad u marto. Dadka Baaskilka waa in ay si guud u ilaaliyaan Sharciyada Wadooyinka si lamid ah darawaliinta gawaarida. Hadii wadadu leedahay meelo loo gaar yeelay Baaskilka inuu maro ama loo calaamadeyay waa inaad isticmaasha halkaas. Baaskiilku waa inuu ahaadaa mid u qalmo in lagu wado wadooyinka (labo bareeg oo fiican, gambaleel, caakisaadka cagaha hore/dambe iyo halka cagta lasaaro ifiya, Nalalka hore iyo kuwa dambe). Koofida birta ah inaad xirato qasab kuguma ahan inaad xirato marka aad baskiil wadayso laakin waalagu isku dhiirigeliyaa. Dadka isticmaala Baaskiilka si kastaba ahaatee waxaa la gudboon inay ku jiraan Ceymiska Magdhowga Gaarka ah maadama laga rabo magdhowga hadii ay dhib u geystaan (Dad ama duunyo).

Barashada Kaxeeynta Baaskiilka

Qofkii doonaya inuu barto sida loo kaxeeyo Baaskiil, wuxuu booqan karaa koorso. Koorsoyinka waxaa bixiyo Kooxda Pro Velo. Koorsooyin qaar oo u gaar ah ayaa jiro ajaanibta. Baaskiilo raqiis ah oo lasoo isticmaalay waxaa laga heli karaa Suuqa Celiska Baaskiilada (Velobörsen).