Sanduuq Bangi / Dhaqdhaqaaqa lacagaha

Qofkii shaqaysta lacag oo ay tahay inuu bixiyo biilal, wuxuu u baahanyahay Bangi ama Boosto. Wax ka iibsiga onlineka waxaa la isticmaala Kaararka Debitka ama Kreditka.

Sanduuq Bangi

Qiyaastii dhammaan dadka degan wadanka Swiseerlaan oo dhan waxay leeyihiin Sanduuq bangi. Shaqaalaha sida caadiga ah waxaa loogu soo shubaa mushaharkooda Sanduuqa bangiga. Bangiyo iyo Boosto fara badan ayaa bixiya adeegga sanduuqyada gaarka ah. Furashada sanduuqa caadi ahaan waa mid bilaash ah. Laakin waxaa dib la isaga qaada lacagaha khidmada. Khidmada, ribada iyo adeegyada wey ku kala duwanyihiin qiimahooda adeeg bixiyaasha. Hadaba waxaa fiican in isbarbardhig lasameyo. Furashada Sanduuqa waxaa loo baahanyahay oo lagama maarmaan ah baasaboorka qofka ama kaarka aqoonsiga.

Kaarka Debit / Kaarka Kredit

Qofkii haysto sanduuq caadi ahaan wuxuu helaa kaar bangi si uu lacagaha ula soo baxo. Kaarka waxaa lacagaha lagala bixi karaa isla bangiga aad ka sameysatay kaliya. Bangiyada iyo Boostada waxay bixiyaan sidoo kale kaararka Debitka ah (Tusaale ahaan Maestro) oo lacagaha lagala bixi karo dhammaan mashiinada bangiyada kale oo dhan inta badana lagu bixin karo dukaamada. Kaararkan waxa sidoo kale lagu isticmaali karaa dibadda. Hadba nooca kaarka uu yahay ayaa la bixiyaa khidmado kala duwan. Kaararka kredit ka waxaa laga dalban karaa bangiyo kala duwan. Adeegyada iyo khidmadaha si aad ah ayay u kala duwanyihiin. Hadaba waxaa fiican in isbarbardhig la sameeyo. Ku bixinta lacagaha kaararka Debitka ama Kreditka waayadan dambe waa kuwo aad u baahay.

Bixinta biilasha

Lacagaha Biilasha (Rechnungen) caadi ahaan waxaa la isugu diraa boostada ama I-Meeyl. Waxaa jiro saddex qaab oo lagu bixiyo:

  • Qaab Online ah: Ku bixinta lacagaha Interneeta waa mid si xoogan u baahday oo aamin ah.
  • Xafiiska: Warqadda ku bixinta lacagaha ayaa lala tagi karaa Boostada si aad ugu shubato lacag kaash ah sanduuqaada. Qofkii haysto sanduuq boosto waxuu si toos ah uga bixin karaa biilka sanduuqisa. Macaamiisha bangiyada iyagana sidoo kale waxay tagi karaan xafiisyada bangiyadooda si ay bixiyaan biilasha.
  • Boostada: Bixinta lacagaha waxaa si qoraal ahaan ah loogu diri karaa Bangiyada ama boostada. Warbixin dheeraad ah waxaad ka helaysaa Bangiga ama Boostada.

Qaababka lagu bixiyo lacagaha joogtada ah:

  • Si toos ah in lagaaga gooyo (LSV): Habkan waa hab fudud sababtoo ah biilasha waxay si toos ah uga go ayaan sanduuqada. Warbixin dheeraad ah waxaad kahelaysaa dadka kuusoo dirsado biilasha, bangiga ama boostada.
  • Hadii qiimaha lacagaha biilashu yihiin kuwo mar walbo iskumid ah (Tusaale, kirada guriga), waxaa laga sameeysan karaa Bangiga ama boostada, adeegga bixinta joogtada ah (Dauerauftrag).

Lacagaha Biilasha mar walbo waxay leeyihiin muddo cayiman oo ay tahay in lagu bixiyo. Haddii la ilaalin waayo mudadaas, waxaa laguu galin karaa: Buugga Deymaha (Betreibung).