Xog ku saabsan Basel-Stadt

Gobolka Basel-Stadt waa mid ka mid ah 26-ka Gobol ee wadanka Swiiserlaan. Basel-Stadt waxay ku taallaa Xudduudda Saddex-geesoodka ah ee Jarmalka iyo Faransiiska. Gobolku wuxuu leeyahay Dhaqaale xooggan iyo Dhaqammo kala duwan, Tayada noloshuna waa mid sare.

Tirooyin iyo Xaqiiqooyin

Gobolka Basel-Stadt, wuxuu ka koobanyahay saddex Degmooyin (Gemeinden). Caasimadda Gobolka oo ah degmada Basel iyo labada degmo siyaasadeed (politischen Gemeinden) ee kala ah Riehen iyo Bettingen. Gobolka waxaa ku nool dad gaaraya 200’000 oo qof oo ka kala yimid 160 wadamood. Basel-Stadt baaxadeedu waa 37 km² kaliya, waana gobolka ugu yar misna ugu dadka badan gobollada wadanka Swiiserlaan. Luuqadda rasmiga ah ee looga hadlo Gobolkaan waa Af Jarmalka.

Taariikhda Gobolka

Gobolka Basel-Stadt waxaa la aasaasay sanadkii 1833. Hase ahaatee, waxuu leeyahay taariikh dheer iyo mid xiiso badan. Laga soo bilaabo qarniyadii hore, muddo hadda laga joogo 130'000 oo sanadood ayay halkani ahaan jirtay deegaan. Maadaama Basel ay ahayd meel ku taallay meel siyaasadeedu wanaagsantahay, ayay Roomaanka waxay saldhigga ciidammadooda ka dhigteen buurta Münsterhügel 30 sano ka hor taariikhda Miilaadiga. Isla goobtaasi waa meesha ay hadda ku taallo Dhismaha kaniisadda Basler Münster. Dhismahaan markiisii hore waxuu ahaan jiray Kaniisad weyn oo baadariga saldhig u ahayd lana daahfuray 1019-kii. Taas awgeed ayaa marka aad Calanka Gobolka Basel eegto waxaad ka dhex arki kartaa wax ul-baakoorad u eg taasoo laga soo minguuriyay ushii uu baadariga kaniisadaasi wadan jiray.
1460-kii waxaa la aasaasay Jaamacadda Basel. Basel waxay isku badashay xarunta bini'aadanimada iyo buugaag daabacidda. Bartamihii qarnigii 16-aad waxaa usoo qaxay Basel qaxooti fara badan oo ka yimid waqooyiga talyaaniga iyo faransiiska. Waxay layimaadeen farmooyinkoodii tolliinka dharka xariirta ah iyo xardhiddooda. Farmashiyaasha iyo warshadaha kiimikada sameeyaa ee hadda jirana xiligaas ayay iyaguna billowdeen. 1833 waxaa kala go'ay Gobollada Basel-Stadt iyo Basel-Landschaft kaddib markii uu dagaal ba'an dhex maray. Maanta Gobolka Basel-Stadt waa xarunta Dhaqanka, ganacsiga iyo dhaqaalaha diiraddana waxay u saarantahay cilmiga noolaha.

Hiddaha iyo Dhaqanka

Gobolkan Basel-Stadt waxaanu leenahay Hiddo iyo dhaqamo badan, kuwaasoo inoo muhiim ah. Waan ku faraxsanahay haddii aad doonayso inaad barato dhaqammadeenna. Waxaa booska koowaad ku jiro dabbaaldagga (Fasnacht). Xafladdaan waxaa la qabtaa sanad walba bisha Febraayo ama Maarso waxayna socotaa muddo saddex maalmood ah. Sidaas darteed ayaan ugu yeernaa «drey scheenschte Dääg» – saddexda maalmood ee ugu quruxda badan. Bandhigga xagaaga ee Basel (Herbstmesse) 500 oo sano ayuu ka weyn yahay inta loo dabaaldagayay. Suuqqa Ciida Kirismaska (Weihnachtsmarkt) iyaduna waa caado dheer oo soo jireen ah. Dadka inta badan waxay ku jiraan Ururo, kooxo ama Jaaliyado. Ciyaaraha kooxda kubadda cagta ee FC Basel waxaa usoo daawasho tago dad fara badan xilliga xagaagana dad badan ayaa usoo dabaal tago webiga Rhein.