Aqoonsiga Shahaadada

Shahaadooyinka dibadaha kuligood kama shaqeeyaan Swiserlaan. Sababo gaar ah ayaa macquul kadhigi karo in laguu badalo shaqaadada. Shaqooyinka Qaar waa qasab in laguu aqoonsado shahaadoyinka aad ka haysato.

Aqoonsiga

Dadka wax kuso bartay dibadda ee shahaadoyinkooda doonaya inay ku shaqeystaan ama wax kaga bartaan Swiiserlaan shuruudo ayaa jiro hadii ay soo buuxiyaan u saamaxayo in loo tixgaliyo shahaadoyinkaas. Ansixinta waxaa lagu cadeynayaa in ay isku mid yihiin shahaadoyinkii dibadda aad kala timid iyo kuwa Wadankaan laga bixiyo inay isku qalmaan. Xirfadaha qaar sida dadka ka howlgala goobaha Caafimaadka ama Macalimiinta iyo wixii lamid ah (Pflegefachleute, Lehrpersonen usw.) waa qasab in shahadadooda loo ansixiyo si ay halkan shaqooyinkooda ugu shaqaysan karaan. Aqoonsiga shahaadooyinka hadba nooca shaqada ay tahay ayay u kala duwan yihiin xarumaha ku shaqada leh ansixintooda. Aqoonsiga shahaadada ma ahan bilaash. Warbixino dheerad ah waxaad ka heli kartaa Xarumaha qaranka ee qaabilsan aqoonsiga shahaadoyinka ama La taliyaasha dhinaca waxbarashada, xirfadaha iyo wadada loo maro (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung).

Caddeeynta Heerka Waxbarashada

Shahaadooyinka aan ahayn kuwa shaqooyinka Howlaha guud qasab ma ahan in laguu ogolaado inaad Swiiserlaan kaga shaqeeysato. Shaqooyinka noocan ah waxaad dalban kartaa Cadeeynta Heerka waxbarashada (Niveaubestätigung). Qaabkaan waxaa lagu muujiyaa Heerka waxbarashadii dibadda iyo Nidaamka Waxbarasahda ee Swiiserlaan. Cadeynta noocan ah waxay kaa caawin kartaa shaqo raadinta. Warbixino dheeraad ah waxaad ka heli kartaa Xarumaha qaranka ee ku shaqada leh Aqoonsiga shahaadooyinka (Nationale Kontaktstelle für Diplomanerkennung) ama La taliyaasha dhinaca waxbarashada, xirfadaha iyo wadada loo maro (Berufs-, Studien- und Laufbahnberatung).

Waxbarashada Kuceliska ah

Dadka waaweyn ee khibrado shaqo leh balse aanan haysan shahaado Swiiserlaan laga aqoonsanyahay waxay dib u baran karo xirfadahooda booqanayana Barashada xirfadaha Aasaasiga ah ama Barashada Xirfadaha Sare. Habraacan waxuu ku xiranyahay aqoontaada, Khibrada xirfadaada aad u leedahay iyo da'daada. Si kastaba ahaatee Heerka luqadda Jarmalka ee B1/B2 ee nidaamka Yurub (Niveau B1/B2 nach GER) aad gaarsiisantahay ayaa ah shuruudaha saldhiga u ah inaad sameyso waxbarashada noocan ah.