Helitaanka Daawada

Inta badan Qofkii xanuunsado ama shil galo waxaa haboon inuu marka hore aado Dhaqtarka guriga. Xanuunada ama shilalka fudud waxaa sidoo kale laga heli karaa farmashiyaasha caawin. Kaliya xaaladaha aadka u daran ee degdeg ah ayaa fiican in loo aado isbitaalada.

Farmashiyaasha

Farmashiyaasha waxay iibiyaan daawoyinka dhaqtarka soo qoro iyo daawoyinka kale oo dhan. Xanuunada fudud waxaa haboon in marka hore lala tago farmashiyaha. Howlwadeenada Farmashiya waa dad aad tababaran wayna caawiyaan macaamishooda. Farmishaha xaaladaha degdega ah ee ku yaalo Petersgraben 3 wuxuu furanyahay sidoo kale habeenkii iyo maalmaha sabtiga iyo axada. Sidaas darteed ayaa hadii loo baahdo daawo degdeg ah looga heli karaa halkaas.

Dhaqtarka guriga / Dhaqtarka Caruurta

Wadanka Swiserlaan dad badan ayaa leh dhaqtarka ama dhaqtarada guriga (Hausarzt oder Hausärztin). Dhaqaatiirtan waxay yaqaanin taariikhda xanuunada kusoo maray waana qofka koowaad ee lagala hadli karo dhibaatoyinka caafimaad. Caruurta waxay leeyihiin dhaqaatiirta caruurta. Hadii loo baahdana iyaga ayaa udiraayo bukaankooda isbitaal ama dhaqaatiir taqasus ah. Kaliya xaaladaha aadka u daran ee degdeg ah ayaa fiican in toos loo aado isbitaalada. Xaaladaha kale degdeg ah ee dhaco wax kabaxsan waqtiyada ay furanyihiin goobaha dhaqaatiirta, waxa jiro lambar la wici karo oo furan habeen iyo maalinba (Medizinische Notrufzentrale, MNZ). Waxaana laga wici karaa waqti walbo lambarkaan 061 261 15 15. Xaaladaha kale degdeg ah ee kudhaco Caruurta iyo dhalinyarada wax kabaxsan waqtiyada ay furanyihiin
goobaha dhaqaatiirta Caruurta, waxa jiro taleefanka Medgate Kids Line ee 0900 11 44 11. Lambarkan ma ahan bilaash.

Dhaqtarka ilkaha

Kharashaadka Daaweynta ilkaha caadiyan waa inuu qofka isaga iska bixiyaa. Waxaa jiro laakin Ceymiska dheeraad ah oo la sameysan karo si uu kaaga bixiyo qarashaadka daaweynta ilkaha. Caruurta aado Iskuullada waxay xaq u leeyihiin sanadkiiba hal mar baaritaan ilkaha oo bilaash ah. Warbixin kusaabsan waxaa kula wadaagayo iskuulka.

Isbitaalka / Qaybaha Gargaarka degdega ah

Marka ay noqoto in qof aado isbitaalka waxaa badanaa isaga ama iyada loo diiwaangeliyaa dhaqtar. Dadka aadka u daran waxaa haboon inay toos u tagaan qaybta gargaarka degdega ee isbitaalka. Hadii qofku suganyahay qatar nololeed ama u baahanyahay in bukaanka loo qaado isbitaal, waxaa la wici karaa lambarka 114. Xaaladaha degdeg ah ee aan aadka u darnayn waxaa ku shaqo leh dhaqaatiirta guriga.

Kalkaaliyaha Guriga

Dadka xanuunsan ama dadka qabo baahiyaha gaarka ah doonayana in lagu caawiyo guryaha, waxay dalban karaan Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee ka baxsan isbitaalada (Spitex). Howlwadeenadan Caafimaad waxay ugu tagaan guryahooda bukaanada si ay u daryeelaan ama uga caawiyaan howlaha guriga. Adeegan waxaa xaq u leh dadka sababo xanuun, shil, da', dhibaatoyinka uurka ama umusha dartood ugu baahan in la caawiyo. Qaybo kamid ah kharashaadka waxaa dusha saarto Ceymiska Caafimaadka guud. Marka laga soo tago Spitex ka Basel waxa kaloo jiro kuwo aad u badan oo bixiyo Adeegyada qaaska ah ee Spitex.