Guri / Hel Guri

Inta badan dadka Swiserlaan waxay ku nool yihiin guryo kiro ah. Raadinta guryaha ma ahan marwalbo mid aad u fudud qiimaha kiradana waa mid sare.

Suuqa Guryaha

Inta ugu badan bulshada ku dhaqan Swiserlaan waxay ku nool yihiin guryo kiro ah. Maadaama yartahay dhul bannaan oo guryo laga dhiso ayaa qaasatan Magaaloyinka iyo bartamaha degmooyinka yihiin kuwo guryaha bannaan ee kirada ah ku yaryihiin. Sicirka kirada guryaha waa mid sare. Ma ahan mid kabaxsan caadi ahaanshaha in saddex meelood dakhliga kusoo galo lagu bixiyo kirada guriga. Waxaa wanaagsan in laga raadsado guryaha meel ka baxsan bartamaha magaalada. Sidoo kale kirada guryaha ururada deegaanka dhiseen waa kuwo inta badan aad u qiimo jaban. Sidaas darteed ayaa qasab ah inaad bilowga horeba iibsato qayb ka mid ah xubinimada ururkaas (Anteilsscheine). Qoysaska aan haysan lacag badan hadii ay buuxiyaan shuruudo qaar waxay dalban karaan kaalmada Qoysaska ee kirada guryaha (Familienmietzinsbeiträge).

Guri / Guri raadis

Guryaha kirada ah ee bannaan waxaa laga helaa bogag badan oo interneetka ah. Sidoo kale joornaalada waxaa lagu soo qoraa xayeysiinta guryaha bannaan. Dadka qaar ee iska kireynaya guryaha waxay sidoo kale kusoo qoraan boorarka ku dhex dhagsan goobaha ganacsiga ama meelo kale. Laakin guryo badan ayaa inay bannaan yihiin si caam ah loosoo bandhigin. Hadaba waxaa fiican in la weydiiyo ehelka iyo dadka aad taqaano in guryo kiro ah meel ku ogyihiin.

Dalbashada guri kiro ah

Qofkii daneeynaayo guri kiro ah sida caadiga ah waxuu la xiriiraa milkiilaha guriga ama shirkada masuulka ka ah waxuuna la dhigtaa ballan uu iskaga soo fiiriyo gurigaas. Hadii aad doonayso inaa dalbato guriga waa inaad buuxisaa foomka isdiiwaangelinta. Sidoo kale inta badan milkiilayaasha guryaha waxay dalbadaan warqada diiwaanka deymaha (Betreibungsregisterauszug) iyo xog fiican oo kusaabsan dakhligaada. Sidaas ayay ku hubinayaan inaad iska bixin karto kirada guriga. Warqada diiwanka deymaha waxaa laga helaa Hay'adda deymaha ku shaqada leh (Betreibungsamt). Maadama guryaha ay soo dalbanayaan markiiba dad aad u tirobadan ayaa waxaa lagu taliyaa in markiiba uu qofka guryo badan isla dalbado.

Guri / iibsiga Guryaha

Ajaanibta ku nool Gobolka Basel-Stadt ee haysta Sharciga Dalka Jooga C waxay si aan xadidnayn uga iibsan karaan guryo. Sidoo kale iyana dadka u dhashay yurub EU/EFTA ee haysta Sharciga Dalku Jooga B. Dadka kale ee haysta Sharciga Dalku Jooga B waxay iibsan karaan guryaha kaliya hadii ay iyaga deganaanayaan guryahaas. Hadii uu qorsheynayo qofka iibsanaayo inuu isla isaga ku noolanayn gurigaas uu iibsaday waxaa laga rabaa ogolaansho. Si kastaba ha ahaatee iibsiga guryaha waxaa mar walbo loo baahanyahay nootaayo. Dadka haysta Sharciyada kale ee (L,F) macquul ma ahan inay iibsadaan guryo. Macluumaadka ugu saxsan waxaa bixiyo Xarunta dhexdhexaadisa murannada ijaarka (Schlichtungsstelle für Mietstreitigkeiten).