Nidaamka Ceymiska Bulshada

Dadka ku dhaqan Swiserlaan waxay ku jiraan Ceymiska Bulshada oo ka ilaalinayo khataro kala duwan. Tusaale ahaan Ceymiska wuxuu caawiyaa marka qof waayo shaqadiisi ama xanuunsado. Sidoo kale waxay caawiyaan Qoysaska iyo dadka da'da ah.

Mabaadi'da Ceymiska

Ceymiska Bulshada waxa maalgeliyo dadka ku dhaqan wadanka Swiserlaan. Hanaanka Isxilqaanka ku saleysan ayaa ah: Dadka intooda badan aya dhiibayo lacagta halka dadka ama kooxo gaar ah ay helayaan caawinaada. Ceymiska Bulshada inta badan waa waajib. Lacagaha ceymiskan waxaa si toos ah looga jaraa mushaharadka shaqaalaha. Sidoo kale dhammaan dadka loo shaqeeyo, ganacsatada iyo dadka aan shaqeynin way bixiyaan lacagahan.

Adeegyada

Ceymiska Bulshada waxuu caawiyaa dadka ay haystaan duruufo cayiman. Waxay bixiyaan gunooyin, lacagaha dadka xanuunsan ama da'da ah, lacagaha ilmaha ama waxay bixiyaan sidoo kale qarashaadka xanuunada ama shilalka ku baxo. Dhammaan Ceymiska Bulshada waxaa lagu dhaqaa xeerarka dowliga ah.

Goorma ayaa la is caawiyaa?