Soo raridda Reerka

Marka aad ku nooshahay wadankan Swiiserlaan, waxaad u dacwoon kartaa si laguugu keeno qaar kamid ah ehelkaada, laakin waa inaad shuruudo cayyiman soo buuxiso. Qaraabadaada ama dad aad istaqaanaan haddii ay doonayaan inay wadankaan kugu soo booqdaan, waxaa macquul ah in looga baahdo dalku galka Swiiserlaan. Taasna waxay ku xirantahay hadba waddanka ay kaaso booqanayaan.

Soo raridda Reerka

Marka aad halkan ku nooshahay, waxaa macquul gal ah in laguu ogolaado in ehelkaada kuu dhow ama xaaskaada halkan kula soo degaan (Familiennachzug). Xubnaha qoyskaada ee aad u dacwoon karto, waxay ku xirantahay sharciga aad waddankaan ku joogto iyo waddanka aad u dhalatay. Waa macquul Haddii aad tahay qof si kumel gaar ah loo qaabilay oo haysto sharciga F in laguu ogolado in reerkaga kula soo degaan halkan.

Xafiiska ajaanibta ee (Migrationsamt) ayaa leh go'aanka ah in reerkaaga halkan kugula noolaan karaan. Xafiiska ayaa kula socodsiinaya waxii aad samayn lahayd iyo waraaqadaha lagaa doonaayo inaad keento.

Fiiro Gaar ah:
Waa inaad codsiga dacwada reerkaaga ku gudbisato muddo cayyiman gudahood. Muddada dalabka dacwada caruurtaada way kayartahay midda dadka waaweeyn, tusaale ahaan Xaaskaada.

Diyaarinta Guurka

Maku nooshahay Swiiserlaan mise doonaysaa inaad is guursataan qof ku nool wadan kale? Hadaba waxaad codsan kartaa in laguu ogolaado inuu qofkaas dalka soo gali karo si aad u diyaarisaan aqal galkiina (Vorbereitung der Heirat). Sidaas ayaa lamaanahaga kuugu imaan karaa guurka kahor kadibna arooskiina uu ka dhici karaa halkan.

Hay'adda Socdaalka iyo ajaanibta (Migrationsamt) ayaa go'aanka iska leh in uu lamaanahaaga imaan karo halkan. Hay'adda waxay kula socodsiinaysaa shuruudaha laga doonayo inaad buuxiso iyo waraaqaha aad u baahantahay.

Fiisaha Dalku Galka

Qaraabadaada ama dad aad taqaan miyaa doonaya inay kaasoo booqdaan waddankii aad katimid oo kugu soo booqdaan wadankan Swiiserlaan? Hadaba waxay u baahanyihiin Fiiso ay kusoo galaan wadankan Swiiserlaan. Inta badan ma ahan mid sahlan sida lagu helo. Waxaa loo baahnaan karaa marmar Warqad casuumad ah oo adiga aad qortay ama waa in Dadka kusoo booqanaya ay damaanad qaadaan inay dhaqaalo ahaan isku filanyihiin (Verpflichtungserklärung).

Safaaradda Swiiserlaan kuleedahay dibadda ayaa go'aanka iska leh dadka ay siinayso Fiisaha. Safaarada waxay kula wadaagi doontaa waxyaabaha looga baahanyahay martidaada inay sameeyaan ama warqadaha ay u baahanyihiin. Waxaa sidoo kale aad kaheli kartaa warbixinadaas Hay'adda socdaalka (Migrationsamt).