Xanaanada Caruurta

Waalidiin badan ayaa marka ilmaha u dhashaan kadib sii shaqeyo. Gobolkan Basel-Stadt waxaa jiro adeegyo gaar ah oo ilmaha lagu daryeelo. Inta badan adeegyadan ma ahan kuwa bilaash ah.

Goobaha Ubadka lagu haayo (Kita)

Xanaanada Maalin jooga ah waxaa laguu haynayaa ilmahaaga maalinka dhan. Waxa loo yaqaanaa Kindertagesstätte, marka lasoo gaabiyana "Kita". Waxaa lagu haayaa halkan inta badan caruurta kaweyn 3 bilood ilaa iyo da'da iskuulka.. Waxaa jiro laakin "Kitas" lagu haayo ilmaha iskuullada dhigto, waqtiga qadada, iskuulka kahor iyo kadib.

Waxaa muhiim ah inaad ilmahaaga waqti hore sii diiwaangeliso, sababtoo ah safka sugitaanka oo aad u dheer. Qiimaha xanaanada waa kuwo kala qaalisan. Maamullada degmooyinka qaar ayaa qeyb kamid ah kharashaadka ka bixiyo waalidiinta. Waad weydiin kartaa xafiiska degmada qiimaha xanaanada iyo sidii aad u diiwaangelin lahayd ilmahaada.

Goobaha Caruurta lagu ciyaarsiiyo

Caruur badan ayaa inta aysan bilaabin Iskuullada waxaa la geeyaa Goobaha lagu ciyaarsiiyo (Spielgruppe). Caruurta ka wayn da'da 3-da sano ayaa ku kulmo goobahaan iyagoo lasocon waalidiintood. Khabiiro ku takhasusay daryeelka Ubadka ayaa caruurta halkaas ku mashquuliyo. Tusaale ahaan, ilmaha waxay halkaas ku xardhaan sawir gacmeedyo ama wey wada ciyaaraan. Goobahan in lageeyo ilmaha waalid ayaa xor u ah.

Haddii ilmahaaga yar uu guriga af jarmal ku hadlin, goobahaas ayaa lagayn karaa si uu barashada luqadda u bilaabo. Taasi waxay u fududeynaysaa marka ilmaha ay bilaabaan iskuulka.

Nolol maalmeed / Miiska Qadada

Dugsiyada hoose iyo dhexe dhammaantood waxay leeyihiin nolol maalmeedyo (Tagesstrukturen) gudaha iskuulka iyo meelaha ku hareeysan ah. Tagesstruktur waxaa laga wadaa, In ilmaha ay joogaan waqtiga qadada iskuulka oo halkaas lagu qado siiyo. Iskuulka markuu dhammaado kaddibna ay helaan qof la joogo iyagana ay halkaas layligooda kaga shaqeeyn karaan.

Ma doonaysaa in Carruutaada ay booqdaan Adeegyada noocan ah? Hadaba ma ahan mid bilaash ah. Qiimaha lacagta lagaa doonayo waxay ku xirantahay inta mushahar ahaan kuusoo gasho. Ubadkaada waxaad u diri kartaa goobahaas 1 maalin ama maalmo badan usbuuciiba.

Qoys Maalmeedka

Waxaad carruurtaada u geysan kartaa sidoo kale qoys maalinka oo dhan kuu haayo. Qoys Maalmeedka (Tagesfamilie), waa qoys ilmahaaga kuu haynaayo maalinka dhan ama iskuulka kahor iyo kadib. Xarumaha howlahaas ka shaqada leh ayaa kaa caawinayo sidaad u heli lahayd reer kugu habboon. Sidoo kale waxay kula wadaagi doonaan caadi ahaan qiimaha la iska qaado.

Ubad hayaha / Xaaladaha Adag

Wadankan Swiiserlaan dhallinyarada waxay ka shaqayn karaan inay haayaan ilmaha fiidka hore ama maalmaha sabtiga iyo axadda. Dhalinyarada waxey ku qaataan howlahaan lacag. Hay'adda laanqayrta cas ee Basel-Stadt "Schweizerische Rote Kreuz Basel-Stadt (SRK)" ayaad ka helaysaa liiska xarumaha ku shaqada leh howlahaas iyo waliba howlwadeenno horay usoo bartay qaabka ilmaha loo haayo.

Xanaanada ilmaha marka xaalad degdeg ah jirto:
Waxaa macquul ah inay kula soo deristo xaalad degdeg ah oo aad u baahato qof ilmaha yar kuu sii haayo. Tusaale ahaan, adiga iyo lamaanahaada ayaa ku qasbanaaday inaad isbitaalka aadiin, ilmahii yaraana cid aad uga tagtaan ma jirto. Hay'adda laanqayrta cas ee Basel-Stadt (SRK) waxay kuu haysaa Xanaanada ilmaha xilliga xaaladaha kugu adagyihiin. Adeegaan ma ahan mid bilaash ah, laakin qaar kamid ah Shirkadaha Caymiska Caafimaadka ayaa qarashaadkaas dusha saarto.