Tallaabada Koowaad

Ma Gobolka Basel-Stadt ayaad hadda soo dagtay? Hadaba waa in 14 maalin gudahooda aad iskaga diiwaan gelisaa, Xafiiska Diiwaangelinta dad weynaha (Einwohneramt). Marka toos loo tago xafiiska Diiwaangelinta Dadweynaha hadii aad ku cusub tahay magaalada waxaad heli doontaa wada sheekeysi qaas ah oo salaan iyo soo dhoweyn ah xambaarsan.

Diiwaangelinta Rasmiga ah

Dhammaan dadka soo dago Gobolka Basel-Stadt, waa in ay iska diiwaan geliyaan Xafiiska diiwaan gelinta dadweynaha ee xaafadooda (Basel, Riehen ama Bettingen) muddo 14 maalin gudahood ah.

Waxaad kasoo guurtay meel kamid ah gudaha Swiiserlaan ama waxaad ka timid wadan kamid ah wadamada Yurub (EU-Land) ama wadamada Yurub aan ku jirin balse xiriirka ganacsi ee dhow la leh (EFTA-Land):
Waxaad isku diiwaan gelin kartaa qaab qoraal ah, via E-Umzug CH ama waxaad toos u tegi kartaa Xafiiska Diiwaan gelinta Dadweynaha ee Basel-Stadt, Riehen ama Bettingen.

Kama aadan immaanin wadan kamid ah wadamada Yurub (EU-Land) ama Wadamada Yurub aan ku jirin balse xiriirka ganacsi ee dhow la leh (EFTA-Land):
Fadlan toos u kaalay Xafiiska Diiwaangelinta Dadweynaha ee ku yaallo Kundenzentrum Spiegelhof. Halkaasi waxaa lagaaga qaadi doonaa faraha iyo sawir. Is diiwaangelintu waa inaad bixisaa Lacagta adeega.

Cinwaanka Xafiiska waa kan:

Kundenzentrum Spiegelhof
Spiegelgasse 6
4001 Basel
Tel. 061 267 70 60

Maxaad u baahantahay si aad isu diiwaangeliso?
Fadlan marka hore iska soo hubi waraaqaha lagaaga baahanyahay inaad horay usoo qaadato. Warqadaha waa in ay ahaadaan kuwo ku qoran Af Jarmal, Af Faransiis, Af Talyaani ama Af Ingiriis.

Warqadahan hoos ku xusan waa kuwa qasab ah oo lagaa rabo:

  • Foomka is diiwaan gelinta (Anmeldeformular). Foomkan waa inaad horey usoo buuxiso.
  • Sawirka Baasaboorka ama Kaarka aqqoonsiga (dadka EU/EFTA) oo aan dhacsanayn.
  • Sawirka Warqadda aad ku daggantahay guriga ijaarka ah ama guriga adiga aad leedahay

Warqadahan hoos ku xusan waa kuwo iyagana ay macquul tahay in lagaa rabo:

  • Fiisaha ama Dal ku galka
  • Warqadda Qandaraaska Shaqada
  • Warqadda dambi la'aanta
  • Warqadda Guurka
  • ama waxii kaloo loo baahdo

Hadii aad gudaha Gobolka ama meel kabaxsan Gobolka Basel-Stadt u guurto, waa inaad sidoo kale Xafiiska diiwaangelinta lasocodsiiso.

Kama aadan immaanin wadan kamid ah wadamada Yurub (EU-Land) ama Wadamada Yurub aan ku jirin balse xiriirka ganacsi ee dhow la leh (EFTA-Land) balse waxaad ku nooshahay Swiiserlaan:

Inta aadan usoo guurin Gobolka Basel-Stadt, kasoo qaado warqadda ogolaanshaha Gobolka ee ah inaad usoo wareegi karto, hay'adda socdaalka (Migrationsamt). Markaas waxii ka dambeeya ayay macquul tahay inaad is diiwangeliso.