Lambarada gargaarka degdega ah

Lambarada gargaarka degdega ah waxay shaqeeyaan habeen iyo maalin 24 saac. Lambarada gaaban (3-da lambar ah) marwalbo waa bilaash. Lambarada kale badanaa waxaa la bixiyaa qiimaha taleefanka caadiga ah.

Lambarka guud ee degdega ah 112

Lambarkaan waxaa lagala xiriiri karaa xarunta dhexe ee booliska. Hadba nooca xaalada jirto ayuu boolisku usii gudbinayaa xarumo kale (Tusaale ahaan, Dabdamiska)

Booliska 117

Lambarkan waxaa lagala xiriiri karaa xarunta dhexe ee Booliska.

Dab damiska 118

Lambarkan waxaa lagala xiriiri karaa xarunta dhexe dabdamiska.

Gargaarka degdega / Ambalaasta 114

Lambarkan waxaa lagala xiriiri karaa xarunta dhexe Amblaasta. Lambarka 114 waa in lawaco kaliya marka caawin degdeg ah loo baahanyahay iyo marka loo baahanyahay gaariga lagu qaado dadka xanuunsan ama marka xaalada aan la qiyaasi karin ( Tusaale ahaan shilalka).
Dhibaatoyinka kalee cafimaad waxaa marka hore lala xiriirayaa Dhaqtarka ama Dhaqtarada guriga. Xaaladaha kale degdeg ah ee dhaco wax kabaxsan waqtiyada ay furanyihiin goobaha dhaqaatiirta, waxa jiro lambar la wici karo oo furan habeen iyo maalinba (Medizinische Notrufzentrale, MNZ). Waxaana laga wici karaa
waqti walbo lambarkaan 061 261 15 15. Halkan waxaa laga heli karaa talooyin caafimaad waxaana lagugu wareejin doonaa goobta kugu habboon ee kuugu dhow. Sidoo kale waxaa iskaa u raadsan kartaa Xarun caafimaad.

Farmishaha degdega ah 061 263 75 75

Lambarkaan waxaa lagala xiriiri karaa Farmashiyaha furan xili walba (Notfallapotheke) ee Basel-Stadt. Farmishaha xaaladaha degdega ah ee ku yaalo Petersgraben 3 wuxuu furanyahay sidoo kale habeenkii iyo maalmaha sabtiga iyo axada. Sidaas darteed ayaa hadii loo baahdo daawo degdeg ah looga heli karaa halkaas.

Dhaqtarka ilkaha ee degdega ah 061 261 15 15

Haddii si kadis ah ilkahaaga dhibaato soo gaarto waa inaad sida ugu dhaqsaha badan u wacdaa dhaqtarkaada ilkaha. Waqtiyada ay furnayn, waxa jiro lambar la wici karo oo furan habeen iyo maalinba (Medizinische Notrufzentrale, MNZ). Lambarkaan waxa laga ogaada xog kusaabsan Dhaqtarka ilkaha Gobolka Basel-Stadt ee kuqoran waqtigaas xaaladaha ilkaha ee degdega.

Sunta - Gargaarka degdega ah 145

Haddii ay dhacdo in wax sun ku jirto la cabo ama laga shakisanyahay in wax sumeysan la cabay, waxaa kugu caawinayo lambarkaan dhaqaatiirta iyo aqoonyahano. Waxay kuu sharaxayaan haddii waxii la samayn lahaa marka la sumoobo. Haddiise nolosha qofka halis ku jirto waa in si dhaqso ah loo wacaa 114. Aalada interneetka waxaad ka dhex heli kartaa xog fara badan oo ku saabsan mowduucyada sunta.

Latalinta dadka qaangaarka ah 143

Lambarka 143 ee Isku tagga Swiiska Gacanta furan (Dargebotene Hand) waxaa loogu talagalay dadka doonaya inay dhibaatoyinkooda noocay doonaanba ha noqdeene kala hadlaan qof (af Jarmal, faransiis, talyaani iyo Ingiriis). Waxaa la wici karaa marka lagu jiro xaaladaha adag iyo sidoo kale dhammaan culeeysyada iyo walalka. Wada hadalka waa mid sir iyo qarsoodi ah. Haddii loo baahdo waxaa la heli karaa sidoo kale macluumaad dheeri ah oo ku saabsan meelaha ku caawin karo. Waxaa sidoo kale macquul ah in inaad kula xiriirto qaab, I-Meeyl ama Wada sheekeysi online ah.

Latalinta Caruurta iyo dhalinyarada 147

Lambarka 147 waxaa loogu talagalay caruurta iyo dhalinyarada doonaya inay dhibaatoyinkooda noocay doonaanba ha noqdeene kala hadlaan qof (af Jarmal, faransiis, talyaani). Waxaa la wici karaa marka lagu jiro xaaladaha adag iyo sidoo kale dhammaan culeeysyada iyo walalka. Saacad walba waxaa diyaar kuugu ah aqoonyanno. Wada hadalka waa mid sir iyo qarsoodi ah. Wicitaanka lambarka waa mid bilaash ah kuma arki doontid biilka lacagaha taleefanka. Waxaa sidoo kale macquul ah in inaad kula xiriirto qaab, I-Meeyl, SMS ama Wada sheekeysi online ah.

Lambarka xaaladaha degdega ah ee Waalidka 0848 35 45 55

Lambarka xaaladaha degdega ah ee walidiinta (Elternnotruf) waxay kala taliyaan waalidiinta ama dadka kale su'aalaha ku saabsan korriinka ilmaha. Waxay kaa caawinayaan sidoo kale haddii aad ku wareerto qaabkii aad ula dhaqmi lahayd ilmaha ama culeeys iyo walwal aad ka dareento ilmahaaga ama ilmo kale. Sidoo kale waxaa lala xiriir karaa lambarkaan marka laga cabsi qabo in ilmahaada ama ilmo kale uu yahay mid la dhiban arimo jir ama maskaxeed. Wada hadalka hadii loo baahdo waa mid sir iyo qarsoodi ah. Waxaad kula xiriiri kartaa hadii aad doonayso I-Meeyl. Su'aalaha laxiriira caafimaadka kaama caawin karo lambarkan.

Rabshadaha Qoyska (Haweenka) 061 681 66 33

Guriga Haweenka ee labada Basel (Frauenhaus) wuxuu had iyo goorba siiya talooyin iyo taageero haweenka la dhiban rabshadaha Qoyska. Sidoo kale dadka ehelka la ah iyo dadka ku shaqada leh way lasoo xiriiri karaan xaruntan. Wada hadalada hadii loo baahdo waa kuwa sir iyo qarsoodi ah. Warbixino faahfaahsan oo kusaabsan mowduucan Rabshadaha qoyska xataa kuwa saameeya ragga, halka lagala xiriiro xarumaha ku shaqada leh iyo kuwa talooyinka, waxaad kahelaysaa Boggeena "hallo Basel-Stadt" qayb dhan oo aan kaga hadlayno Rabshadaha Qoyska.