Carruurta

Carruurta guriga kula kulma rabshadaha waxay u baahan yihiin caawimaad.

Rabshadaha Qoyska waxay saameyn kuleeyihiin carruurta

Marka carruurta rabshada kala kulmaan guriga, waxay saameyn xun ku yeelataa kobacooda. Arrintaan waxay dhacdaa xataa haddii si toos ah carruurtu rabshada ula kulmin.

Qaar kamid ah carruurta waxay dhibaatada ula kulmaan si hoose, qaar kale waxay muujiyaan astaamo kaladuwan. Tusaale ahaan: dhibaatooyinka ka haysta dugsiga, isku kaadinta, madax wareer, hurdo la'aan iyo cunto xumi, dhibaatooyinka laxiriira la dhaqanka carruurta kale ama dagaal badan.

Xarumahaan waxay caawiyaan carruurta

Xarunta Talada siiya dhibanaha (Opferhilfe) waxay carruurta iyo dhalinyarada siiyaan talo marka ay la kulmaan rabshadaha qoyska. Xog dheeraad ah oo ku saabsan Taageerad dhibanaha ayaa halkaan ka helaysaa.

Adeegga Carruurta iyo Dhalinyarada (Kinder- und Jugenddienst KJD) ee waaxda koriinka waxay ka taageertaa koriin caafimaad leh. Carruurta iyo dhalinyarada waxay caawimaad ka heli karaan halkaas, tusaale ahaan khilaafyada qoyska.

Maxay Carruurtu sameyn karaan?

Carruurta rabshadaha kula kulma guriga waa muhiim inay la hadlaan qof ka baxsan qoyska. Tusaale ahaan: macalimiinta, shaqaalaha arimaha bulshada ee dugsiga, saaxiibada waalidka ama dariska.

Pro Juventute waxaa la wici karaa maalin iyo habbeen. Khabiiradoodu cidna uma sheegaan wada hadalka lala yeesho. Waxay dhageystaan oo ay caawiyaan dhibanayaasha si ay u helaan xal. Wicitaanada lala sameynaayo Pro Juventute waa bilaash. Dadka wicitaanka sameynaaya lagama doonaayo inay sheegaan magacooda. Pro Juventute sidoo kale waxaa lagula xariiri karaa fariin qoraal ah, hab wada sheekeysi ah ama iimayl.