Xadgudubka galmada

Xadgudubyada galmada sidoo kale waxay ka dhex dhacaan lamaanayaasha (xataa kuwii hore) iyo qoyska. Xadgudubka galmada waa nooc kamid ah Rabshadaha Qoyska. Waxaa loo gudbin karaa booliska. Xataa haddii dhibanuhu uusan dooneyn in loo gudbiyo booliska: waa muhiim in la sameeyo baaritaan caafimaad xadgudubka kadib.

Caawimaada caafimaadka

Dhaqtarka Haweenka ama Isbitaalka Jaamacada Basel Qeybta gargaarka degdega ah waxay dhibanayaasha ula tacaashaa qaab qarsoodi ah.

  • Dhakhtarku cidna uma sheego.
  • Xadgudub kasta waa la diiwaangeliyaa. Caddeymaha waxaa la keydiyaa 1 sano.
  • Dukumiintiga waxaa la siin karaa booliska muddo kadib. Waa caddeyn muhiim ah.
  • Dhakhtarku wuxuu xiriir la sameyn karaa adeegyada taageerada dhibanaha (Opferhilfe).

Inta u dhaxeysa xadgudubka iyo baaritaanka

  • Dhibanayaashu waa inaysan qubeysan ama is dhaqin - xataa waa inaysan dhaqin gacmahooda.
  • Haddii ay macquul tahay, dhibanayaashu waa inaysan aadin musqul.
  • Dhibanayaashu waa inay dharkooda keenaan baaritaanka (ayagoon dhaqin).

U gudbinta Cabashada Booliska

Boolisku waxay khibrad u leeyihiin warbixinada la xariira Xadgudubka Galmada. Wareysiyada waxaa loo qaadaa qaab toos ah waxaana qofka la yeesha qof ay isku jinsi yihiin. Cabashada waxaa laga buuxsan karaa xarunta booliska. Qof uu ku kalsoonyahay ama khabiir ka socda hay'ada taageerada dhibanaha (Opferhilfe) ayaa la imaan kara dhibanaha.

Saacadaha ka baxsan kuwa shaqada, booliska waxaa laga wici karaa 117 ama 112. Dumarku sidoo kale halkaan ayay ku dhaafi karaan fariin. Gabar boolis ah ayaa qofka dib u wici karta.

Booliiska Gobolka qaybta arrimaha Bulshada waxay khibrad u leeyihiin tacadiyada galmada iyo rabshadaha Qoyska

  • Booliska Gobolka qaybta arimaha bulshada waxaa laga wici karaa 061 267 70 38 (waqtiyada Xafiisyadu furanyihiin)